Dagaal culus oo ka dhacay degaano ka tirsan Gobolka jubbada Hoose

by admin | Wednesday, Jul 15, 2020 | 445 views

Dagaalkaan oo geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanada Taabta iyo Kulbiyow ee Gobolka jubbada Hoose,waxaana uu u dhaxeeyay Ciidamada Jubbaland & kuwa Kenya oo dhinac ah iyo Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid,kadib markii Al-Shabaab ay weerareen saldhigyada Ciidamada Jubbaland & kuwa Kenya ay ku leeyihiin degaannada Taabta iyo Kulbiyow ee Gobolka jubbada Hoose,waxaana dadka deegaanadaas ay sheegeen in halkaasi ay ka dhaceen dagaalo xoogan oo khasaaro geystay.

Dadka deegaannada Taabta iyo Kulbiyow ee Gobolka jubbada Hoose weli ma shaacin khasaaraha ka dhashay dagaalka,hayeeshee waxaa ay sheegeen in Ciidamada Jubbaland & kuwa Kenya ay wadaan howlgallo iyo dhaq dhaqaaqyo Ciidan.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Jubbaland ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen inay ka hortageen weerarada uga yimid dhinaca Al-Shabaab,isla markaana ay khasaaro gaarsiiyeen.

Dagaalka degaananda Taabta iyo Kulbiyow ee Gobolka jubbada Hoose ku dhex-maray Ciidamada Jubbaland & kuwa Kenya oo dhinaca ah & Al-Shabaab ayaa waxaa ay kusoo aadayaa xilli xalay dagaal Ciidamada Dowladda & kuwa Itoobiya oo dhinac iyo Al-Shabaab ku dhex-maray degaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan.

Like it? Share it!

Leave A Response