Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo ku dhexmaray deegaanka Ceel bacad ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka oo dhinac ah iyo kuwa Ururka Al-shabaab. Dagaalka ka dhacay Ceel bacad ayaa yimid kadib markii dagaalamayaal ka tirsan kooxda Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhiga deegaanka Ceel bacad ay ku leeyihiin ciidanka dowladda...

Kooxo hubeysan ayaa xalay fiidkii magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ku dilay Nin lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Jimcaale, waxaana la toogtay, xilli uu kasoo baxay masaajid uu kusoo tukaday salaadii cishaha ee xalay. Kooxihii ka danbeeyay dilka loo geystay Cabdiraxmaan Jimcaale ayaa goobta ka baxsaday, Marxuum Jimcaale ayaa la sheegay inuu ka mid...

Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay  In ka badan 18 ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay tiro kalena lagu dhaawacay howlgal qorshaysan oo ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka ay ka sameeyeen deegaanka Sabiid ee gobalka Shabeellaha Hoose.   Xubnaha la dilay ayaa Dawladu  sheegtay in ay saarnaayeen gaari nuuca loo yaqaano Dhaynada...

Magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool waxaa maalintii 7aad ka socda dagaal u dhaxeeya Ciidamada Somaliland & Dadka deegaanka, waxaana ka dhashay dhimasho, dhaawac, barakac iyo burbur hanti. Dagaalka tooska ah waxaa dhinac socda duqeyn ku dhaceysa Guryaha Rayidka ah degen yihiin, Goobaha Caafimaadka, Waxbarashada, Masaajidda & meelaha lagu iibiyo shidaalka,...

Hoggaamiyaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni wuxuu maalmo badan la dhibaatoonaya inuu magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ka dhaqan-geliyo isdiiwaan-galinta dadweynaha iyo barnaamijkiisa oo ugu magac daray dimuqraadiyeynta Puntland, kaas oo la kulmay diidmo dhaqan, mid siyaasadeed iyo mid ciidan. Dhowr maalmood kahor ciidan ku abtirsada magaalad Garoowe oo diidan...

Wararka laga helayo gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in saaka aroortii hore xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku bilowday qaraxyo is-miidaamin ah ay ku qaadeen xero ciidan oo ku taalla duleeda Afmadow ee gobolkaasi. Qaraxyada ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo adeegsaday laba gaari oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira booqasho rasmi ah oo uu ku joogo dalka Talyaaniga ayaa Khudbad ka jeediyay kulan dadweyne oo ka dhacay Jamaacada LUISS Guido Carli University ee magaalada Rome. Madaxweynaha ayaa hadal-jeedintiisa ku dul istaagay xiriirka taariikhiga ah ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo Talyaaniga, halganka...

Hay’adda dembi baadhista gudaha ee Maraykanka ee FBI ayaa waraaqo cusub oo sir ah ka heshay guriga madaxweyne ku xigeenkii hore ee Maraykanka, Mike Pence ee ku yaalla gobolka Indiana, intii lagu gudajiray baadhitaan ay saraakiisha hay’addu ku sameeyeen maalintii Jimcaha. Baadhitaankan ayaa yimi, ka dib markii qareenada Mike Pence ay guriga madaxweyne ku xigeenka ka...

Dowladda Turkiga ayaa xaqiijisay in ay sii kordheen tirada Dadka  ku dhintay dhul-gariirka ku dhuftay Dalkaas iyo waddanka ka deriska la ah ee Suuriya, waxaa dhismaha burburay laga soo hoos bixiyay maydadka dad dhintay. Madaxweyne ku xigeenka Turkiga Fuat Oktay ayaa sheegay in wadarta guud ee dalkiisa ku dhimatay in ay kor u dhaafeyso 17,674 (Toban & todobo kun, lex...

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal xoogan oo xalay ciidamada Somaliland iyo kuwa degaanka ku dhexmaray duleedka Magaalada LaS-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Dagaalka oo maalmihii la soo dhaafay socday ayaa hakaday shalay Gelinkii dambe balse Wararka aan helnay ayaa waxaa ay sheegayaan...