Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda gobolka Banaadir ahna ku simaha guddoomiyaha oo uu wehliyo gudoomiye ku xigeenka labaad ee gobolka Banaadir ayaa isbitaalka digfeer ee Magaalada Muqdisho ayaa ku booqday dhawaacyadii dadkii ku wax yeeladu kasoo gaartay weerarkii shalay lagu qaaday xarunta dowlada hoose ee Xamar. Guddoomiyaasha ayaa mid mid u dul tagay dhaawacyada...

Ciidamada DFS ayaa saakay dhaqdhaqaaq ciidan kawada Degmooyinka Xarardheere, Ceeldheer & Galcad oo todobaadkii hore ay ka qabsadeen ‘AS’ kana tirsan Gobollada Galgaduud & Mudug ee DG Galmudug. Saraakiisha hoggaamineysa Ciidamada Dowladda Federaalka ee gacanta ku dhigay Saddexdaas Magaalo ayaa sheegay in abaabulkooda uu yahay in ay tagaan deegaannada ay weli...

Jugta qarax xoogan ayaa waxaa laga maqlay qeybo badan oo kamid ah Magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in qaraxa lagu weraray Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir oo ay ku Shaqeeyaan mas’uuliyiinta sar sare ee Maamulka. Qaraxa ayaa wararka aan helnay ayaa sheegaya in uu ahaa mid loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaaaha qarxa, kaas oo lagu dhuftay darbiga dambe...

Dr. Cabdiraxmaan Cabdullahi Baadiyow oo ah La-taliyaha Arrimaha Dastuurka ee Madaxweynaha Soomaaliya ayaa markii u horeysay ka hadlay halka ay ka soo bilaabmeen kooxaha argagixisada ah ee sheegta inay udagaalamayaan magaca Diinta Islaamka. Dr. Baadiyow ayaa waxa uu sheegay in “fikirka xagjirka” ee gudaha dalka uu soo billowday 48 sanno kahor, taasi oo ay horseed u...

Ciidamada Dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa gaarka u tababaran ee DANAB & Daraawiishta DG Jubbaland ayaa dhaqdhaaq ciidan oo ka dhan ah ‘AS’ kawada Gobolka Jubada Hoose gaar ahaan deegaannada hoostaga Magaalada Kismaayo. Ciidanka ayaa saldhigyo cusub ka sameystay deegaanno ka fog Magaalada Kismaayo xarunta KMG ah ee DG Jubbaland si ay ugu dhaqaaqaan howlgalka...

Dowladda Jarmalka ayaa diiday in ay Ukraine siiso taangiyada casriga ah ee Haramcad-2 kaddib markii Wasiirada Gaashaandhigga dalalka ku bahoobay Gaashaanbuurta NATO ay ku kulmeen Magaalada Ramstein ee Dalkaas. Ujeedka kulanka oo ahaa in qaaraan militari loo sameeyo Ukraine oo codsatay hub casri ah oo ay isaga difaacdo duullaanka uga imaanaya waddanka ay xad-wadaagga yihiin...

Kooxda Al-Shabaab waxaa laga saray magaalooyin waaweyn oo taariikh fog leh oo ku yaalla Galmudug iyo HirShabelle saddexdii billood ee lasoo dhaafay. Dhowr iyo toban sanno ayey ka talinayeen deegaanada laga bixiyay, waxay qaadayeen lacago joogto ah oo dhowr waji leh. Umadda deeganadaasi ku nool waa ku qasbanaayeen inay aqbalaan amarada kooxda, laakiin dilka ay Soomaali...

Midowga Yurub ayaa qaadaya tallaabo ka dhan ah askarta ilaalada kacaanka Iiraan oo ka kooban cutubyo si gaar ah u tababaran una hubeysan kuwaas oo halis badan dhalin kara marka la eego fulinta howlgallada muhiimka ah. Soo jeedin ka timid Baarlamaanka Midowga Yurub oo Ciidamada ilaalada kacaanka Iiraan ku daray liiska waxa loogu yeero ‘Argagixisada’ ayuu midowgaan ka...

Ugu yaraan 145 qof oo rakaab ah ayaa la la’yahay, waxaana laga cabsi qabaa inay dhinteen ka dib markii ay degtay doon si xad dhaaf ah loo raray oo ay saarnaayeen dadkan rakaabka ah iyo weliba alaab iyo xoolo. Doontan ayaa ku degtay webi ku yaalla Woqooyiga Galbeed ee Congo-Kinshasa, sida ay sheegeen masuuliyiinta dalkaasi. Sida saraakiishu ay sheegeen waxaa masiibadaas...

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa markii u horeysay ka hadlay guushii ay ciidamada dowladda, kuwa deegaanka iyo Daraawiishta Galmudug ay ka gaareen dagaalka Al-Shabaab. Ciidamadan ayaa Isniintii Al-Shabaab kala wareegay degmada Xarardheere oo aheyd marin muhiim ah oo kooxda u isticmaali jirtay howlaheeda argagixiso. “Waxaa halkan hambalyo...