Ciidamada DFS & Daraawiishta DG Jubbaland oo dhaqdhaqaaq ciidan kawada Gobolka Jubada Hoose.

by admin | Sunday, Jan 22, 2023 | 251 views

Ciidamada Dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa gaarka u tababaran ee DANAB & Daraawiishta DG Jubbaland ayaa dhaqdhaaq ciidan oo ka dhan ah ‘AS’ kawada Gobolka Jubada Hoose gaar ahaan deegaannada hoostaga Magaalada Kismaayo.

Ciidanka ayaa saldhigyo cusub ka sameystay deegaanno ka fog Magaalada Kismaayo xarunta KMG ah ee DG Jubbaland si ay ugu dhaqaaqaan howlgalka abaabulkiisu socday muddooyinkii dambe.

Saraakiisha hoggaamineysa Ciidamada Dowladda Federaalka gaar ahaan DANAB ayaa sheegay in ay diyaargarow xooggan sameeyeen si ay u qabsadaan deegaannada ay ku sugan yihiin ‘AS’ waa sida ay hadalka u dhigeen.

Madaxweynaha DG Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa sheegay in ciidamada iskaashanaya ee federaalka & Daraawiishta Dowlad-Goboleedkaas ay diyaar u yihiin in ay qabsadaan deegaannada gacanta maamulkiisa ka maqan.

Axmed Madoobe ayaa 28kii November 2022 soo bandhigay Ciidamo Booliis, Nabadsugid & Daraawiish isugu jiray oo kaashanaya Kumaandooska DANAB oo uu tilmaamay in ay duullaan ku yihiin deegaannada ay joogaan ‘AS’.

Like it? Share it!

Leave A Response