Dr. Baadiyow: Argagixisada waxay ka dhalatay tallaabo ay qaaday dowladdii militariga

by admin | Sunday, Jan 22, 2023 | 237 views

Dr. Cabdiraxmaan Cabdullahi Baadiyow oo ah La-taliyaha Arrimaha Dastuurka ee Madaxweynaha Soomaaliya ayaa markii u horeysay ka hadlay halka ay ka soo bilaabmeen kooxaha argagixisada ah ee sheegta inay udagaalamayaan magaca Diinta Islaamka.

Dr. Baadiyow ayaa waxa uu sheegay in “fikirka xagjirka” ee gudaha dalka uu soo billowday 48 sanno kahor, taasi oo ay horseed u aheyd qalad ay ku kacday dowladdii millateriga aheyd ee uu horkacayay madaxweyne Maxamed Siyaad Bare.

“48 sanno ka hor, 23 Janaayo 1975-kii waa maalin murugo leh oo dowladii kacaanku dishay 10 Sheekh, xabsiyadana dhigtay boqolaal. Culumadu waxay ka horyimaadeen xeerka qoyska oo Islaamka ka soo horjeeday. Ilaaheey ha u naxariisto dhamaan.”

Waxa uu tilmaamay in masuuliyada fikirka xagjirka ah ee Soomaaliya gudaheeda loogu dilay kumanaanka ruux ay masuul ka tahay dowladdii millateriga oo ayadda ka dhasheen ficiladeeda kooxaha ay kamidka tahay Al-Shabaab.

“Diinta Islaamka oo dowladii millateriga ay suurad xumaysay ayey ka dilaaceen (Shabaab iyo kooxaha xagjirka) ee haatan Diinta sida qaldan dadka ugu laynaya,” ayuu yiri.

“Taariikh ahaan Khawaariijta sida qaldan Diinta u fasirta waxay soo bilaawdeen xiligaas, oo Diinta Islaamka ay ku xad-gudbeen xubnihii hogaamin jiray dowladii kacaanka. Marnaba masoo boodin kooxdaan (Shabaab) balse xiligaas ayey abuurmeen.”

by TaboolaYou May Like
Maxkamadda ciidamada oo dil ku xukuntay qaar ka mid ah askartii la geeyey Gedo – Caasimada Online
Daawo: Roobow oo ka horyimid arrin la qorsheynayo in Soomaaliya laga sameeyo
Idris Elba iyo Sabrina Dhowre oo soo jeediyay fikrad Soomaaliya looga saari karo…
Dhinaca kale, waxa uu tilmaamay in wax laga xumaado ay tahay culimadii ficilka noocaas ah lagula kacay xilligaan aan loo sameyn wax xushmad iyo xasuus ah, taasioo ay mudnaayeen sida uu sheegay.

“Masaajidkii ugu waynaa Soomaaliya ee Cabdulqaadir ee ku yaalla Xamarwayne oo ay dhaheen culumada xeerkan Qoyska Diinta ma waafaqsano ee halaga laabto wixii ka dhacay waala ogaa in culumadii la-laayay, oo masaajidka laga watay aysana jirin xiligaan wax xushmad iyo xusuus loo sameeyo, waa wax laga xumaado.”

“Culumadaas waxay ka caroodeen markii la yiri raga iyo dumarka dhaxalka waa u siman yihiin, oo uu ka yiri Stadium Konis, kadibna Culumo ay dhaheen war saan maahan Diinta Islaamka oo ay nabad-sugida u dhacday kadibna la geeyay Iskuul-Buluusiya oo dadka daawanaya la-laayay Culumada, oo aysan jirin dad ka hadlay oo yiri sidaan Xaq maahan.”

Ugu dambeyntiina waxa uu ku baaqay in culumada dowladdii millateri ay xasuuqday lagu xuso khudbadaha Jimcaha iyo Telefishanada, lana joogteeyo xuska maalinta difaaca Qur’aanka iyo shareecada Islaamka.

 

Like it? Share it!

Leave A Response