Madaxweyne DENI oo war kasoo saaray tallaabo ay qaadeen DF iyo Galmudug

by admin | Thursday, Jan 19, 2023 | 215 views

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa markii u horeysay ka hadlay guushii ay ciidamada dowladda, kuwa deegaanka iyo Daraawiishta Galmudug ay ka gaareen dagaalka Al-Shabaab.

Ciidamadan ayaa Isniintii Al-Shabaab kala wareegay degmada Xarardheere oo aheyd marin muhiim ah oo kooxda u isticmaali jirtay howlaheeda argagixiso.

“Waxaa halkan hambalyo uga diraya dowlada Galmudug iyo ciidamada federaalka ah ee dhawaan magaalooyinkii mudada dheera ay haysteen ee Xarardheere ka saareen Al-Shabaab,” ayuu yiri.

“Waxaa u rajeynaya dhamaan bulshada iyo ciidamada qeybahooda kala duwan ee Soomaaliyeed in ay meel uga soo wada jeestaan ciribtirka iyo la-dagaalanka argagixisada si dalkan xuquuqda muwaadinka Soomaaliyeed ugu naaloodo amaan iyo daganaansho.”

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale waxa uu tilmaamay in Al-Shabaab ay caqabad ku tahay dowlad dhiska Soomaaliya iyo horu-socodka dalka, ayna aad u adag tahay in sida uu sheegay.

“Bulshada Soomaaliyeed iyo dowladda oo iskaashanaysa in dhamaan deegaanada kale ee ay ku jiraan (Shabaab) meel looga soo wada jeesto, chapter-kaasna Ilaahay idinkii dhawaan lasoo xiro.”

by TaboolaYou May Like
Daawo: Wasiir si deg deg ah isku casilay soona jeediyey garnaqsi yaab leh – Caasimada Online
Intii uu ku maqnaa salaadda ayaa xaaskiisii lagu kor gowracay sariirta + Video – Caasimada Online
XIJAAR oo xil ka-qaadis ku sameeyay taliyaha magaalo ka mid ah degaan doorashada – Caasimada Online
“Marka taas laga gudbo dabcan geedi socod dowlad dhis ah ayaa dalkeena ka jira, Puntland waxay nasiib u heshay in 24 sano ka hor ay go’aansatay in nidaam kala dambeyn iyo dowladnimo dhistaan waana midda dhaxal-siisay in dadkeedu nabad-galyo iyo kala dambeyn ku noolaadan.”

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa xoogagga deegaanka ayaa Isniintii si rasmi ah ula wareegay gacan ku haynta degmada Xarardheere, kadib markii dagaal-yahanada Al-Shabaab ee ku sugna ay faarujiyeen.

Howl-galada dagaal ee ka dhanka Al-Shabaab ayaa si weyn ugu sii fidaya dalka, ayada oo tan iyo markii ay billowdeen kooxda lagu gaarsiiyay jab xoogan, islamarkaana looga qabsaday deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda.

Like it? Share it!

Leave A Response