Maxaa maanta looga hadlayaa Shirka Dib u heshiisiinta Koofur Galbeed?{AKHRISO}

by admin | Wednesday, Jan 18, 2023 | 213 views

Waxaa maalintii 2aad galay shirka dib u heshiisiinta Koofur Galbeed oo uu daah-furay Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud si xal loogu helo kala aragti duwanaanta ka dhalatay sanadka dheeraadka ah uu rabo in uu qaato Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Shirka oo shalay furitaan ahaa waxaa maanta gunta loo galayaa sidii loosoo bandhigi lahaa caqabadaha siyaasadeed ee taagan si xal loogu raadiyo sida ay sheegeen qaar kamid ah ka qaybgalayaasha shirkaas.

Waxaa la dhageysan doonnaa cabashada Mucaaradka ee la xiriirta Dib u dhigista Doorashada Koofur Galbeed iyo Muddo xileedka sanadka dheeraad ah ee uu rabo Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen in uu qaato kaddibna uu qabto Doorasho.

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxda talada Koofur Galbeed heysa & Musharrixiiinta Xildoonka ah ugu baaqay in marweliba xalka laga eego xasiloonida iyo ilaalinta nidaamka lagu dhisay Dowlad-Goboleedkaas.

Dhinacyada kala aragtida duwan ayuu u jeediyay in ay diiradda saaraan sidii ay isku fahmi lahaayeen si loo qaado dhabbaha horumarka iyo wadahadalka si looga baaqsado dib u dhac & khilaaf xooggeysta.

Like it? Share it!

Leave A Response