Qatar oo ka qeyb gashay shirkii lixaad ee group-yada quint ee Soomaaliya.

by admin | Wednesday, May 1, 2024 | 18 views

Dowladda Qatar ayaa ka qeyb gashay shirkii lixaad ee kooxda quint group-ka ee Soomaaliya, kaasoo ka dhacay magaalada London, iyadoo ay ka soo qeyb galeen Mareykanka, Imaaraadka Carabta, Boqortooyada Ingiriiska, Jamhuuriyadda Turkiga iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. .

Ergeyga Gaarka ah ee Wasiirka Arrimaha Dibadda Faysal bin Abdullah Al Hanzab oo hogaaminaya wafdiga Dowladda Qatar ee kulanka.

Kulanka ayaa looga hadlay xaalada amni iyo mida siyaasadeed ee Soomaaliya iyo sidii la isaga kaashan lahaa wax qabadyada la wadaago.

Ergeyga Gaarka ah ee Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa intii uu kulanka socday hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay xoojinta dadaallada lagu taageerayo amniga, xasilloonida, midnimada, iyo madaxbannaanida dhulkeeda oo dhan.

Like it? Share it!

Leave A Response