Waxyaabaha loogu tagay dhulkii laga saaray kooxda Al-Shabab iyo lama filaan cusub{AKHRISO}

by admin | Sunday, Jan 22, 2023 | 280 views

Kooxda Al-Shabaab waxaa laga saray magaalooyin waaweyn oo taariikh fog leh oo ku yaalla Galmudug iyo HirShabelle saddexdii billood ee lasoo dhaafay.

Dhowr iyo toban sanno ayey ka talinayeen deegaanada laga bixiyay, waxay qaadayeen lacago joogto ah oo dhowr waji leh.

Umadda deeganadaasi ku nool waa ku qasbanaayeen inay aqbalaan amarada kooxda, laakiin dilka ay Soomaali ku hayaan marka laga tago waxay dad badan isweydiinayaan maxay Al-Shabaab ku siyaadiyeen dhulkii ay maamulayeen waqtiga fog.

Al-Shabaab waa diideen hay’addo caalami ah inay tagaan dhulkii ay ka talinayeen, sidoo kale dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedna midna ma tagi karin si deegaanadaasi looga fuliyo adeegyo waxtar u noqon lahaa bulshada.

Aadan Yabaal, Xarardheere iyo Ceel-dheer waa tusaalaha dhabta ah ee lasoo qaadan karo marka la rabo in la eego xaalka dhulkii ay mudada fog maamulayeen Al-Shabaab.

Kal hore baaris caalami ah ayaa lagu sheegay in lacagaha ay Al-Shabaab sanadkii ka aruursato meelaha ay ka taliso iyo meelaha ay dhuumashada ku joogto inay ka badan tahay canshuurta gudaha kasoo gasha dowladda dhexe.

Maxkamadda ciidamada oo dil ku xukuntay qaar ka mid ah askartii la geeyey Gedo – Caasimada Online
Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo u jawaabay Saciid Deni – Caasimada Online
“Annaga oo ay rasaas nagu socoto ayuu OSAMA Bin Laden iga diiday inuu gabado” – Caasimada Online
Laakiin lacagahaas laguma celin deegaanadii laga qaaday, waxaana shan iyo toban sanno kadib la dul tagay dhulkii ay Al-Shabaab haysteen oo wax horumar ah lagu siyaadin, taasi oo banaanka keentay warkii sheegayay in madaxda Al-Shabaab ay lacagaha u adeegsadaan maal-galino shaqsi ah oo ay jiraan dad lacagaha ugu shaqeeya oo jooga Soomaaliya iyo dalal kale oo kamid ah qaarada Afrika.

Mushaarka ay kooxda siiso dagaalamayaasheeda ma badna, lacagaha ay qaadana qeyb waxaa loo adeegsada dagaalada iyo is-qarxinta, qeybna madaxda Al-Shabaab ayaa maal-gashiyo shaqsi ah u adeegsada iyaga oo isticmaalaya gacan saddexaad oo aan laga shakisneyn ayey sheegeen warbixinadii hore ee laga qoray Al-Shabaab.

Arrintan ayaa hadda dhabowday markii la dul tagay dhulkii ay shan iyo toban sanno xukumayeen. Qaar madaxda Al-Shabaab kamid ah hadda waa milyaneero.

Waxyaabaha ay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya hadda baareyso waxaa kamid ah dadka lacagaha ugu shaqeeya Al-Shabaab.

Dhulka Al-Shabaab laga saaray waxaa laga diiday manhajka waxbarashada dalka, waxaana lagu badalay manhaj Al-Shabaab oo soo saaraya rag iyo dumar u tababaran is-qarxin iyo gaaleysiin.

Iskuuladii nidaamiga ahaa ayaa ku burburay dhulkii ay haysatay Al-Shabaab ee gobolada dhexe, taasi oo si weyn u lumisay nolosha jiilkii deegaanadaas ku dhaqna.

Dhulkii ay Shabaab ka talinayeen ee Gobollada Dhexe ma haysan Isbitaalo, dadka inay aadan Xamar, Beledweyne, Dhuusamareeb ama Gaalkacyo ayey ku qasbanaayeen markay xanuusadaan.

Shacabka ay lacagaha baada ah kooxda ka qaadeyso, ma aanay awoodin inay kooxda weydiiyaan waxa lagu qabto lacagaha laga qaado mar haddii aysan heli karin wax adeeg bulsho ah.

Kooxdu garoomo ma dhisin, waddooyin ma sameyn, hal aragti oo shaqo abuur ah kuma siyaadin dhulkii ay haysteen, mana jiraan wax horumar ah oo ku siyaaday deegaanada hadda laga saaray.

Taas badalkeeda Al-Shabaab waxay deegaanadaasi ka faa’iideysay dhaqaalo iyo inay maskax badalaan caruurta kadibna ay ku qanciyaan dagaal iyo is-qarxin.

Inkasta oo Al-Shabaab dhibaato guud ku hayso bulshada Soomaaliyeed, haddana waxaa hadda banaanka timid in aanay hayn fikrad iyo hal abuur maamul oo waxyar ku siyaadin kara nolosha bulshada Soomaaliyeed.

Dadka kasoo jeeda dhulkii ay Al-Shabaab xooga ku haysteen shan iyo tobankii sanno ee lasoo dhaafay waxay maanta dareensan-yihiin in horumar ahaan ka dambeeyaan Soomaalida kale ee deegaanadooda u diiday Al-Shabaab.

Shan iyo toban sano oo dib u dhac ah, fursada qura ee maanta furan waa in dalka la dhaafiyo Al-Shabaab, si ay ganacsatada, qurbo-joogta, dowladda iyo hay’addaha caalamiga ah ugu fududaato in mashaariic horumarineed laga bilaabo deeganadaas dib u dhaca u weyn kala kulmay Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response