Midowga Yurub oo cunaqabateyn dheeraad ah kusoo rogaya Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan.

by admin | Saturday, Jan 21, 2023 | 127 views

Midowga Yurub ayaa qaadaya tallaabo ka dhan ah askarta ilaalada kacaanka Iiraan oo ka kooban cutubyo si gaar ah u tababaran una hubeysan kuwaas oo halis badan dhalin kara marka la eego fulinta howlgallada muhiimka ah.

Soo jeedin ka timid Baarlamaanka Midowga Yurub oo Ciidamada ilaalada kacaanka Iiraan ku daray liiska waxa loogu yeero ‘Argagixisada’ ayuu midowgaan ka fiirsanayaa tallaabada xigta ee ku habboon in laga qaaday ciidankaas.

Sarkaal katirsan Midowga Yurub ayaa sheegay in la kordhinayo cunaqabateynta dulsaaran Ciidamada ilaalada Kacaanka Iiraan oo lagu eedeeyay in ay geysteen dambiyo kala duwan oo aadanaha ka dhan ah.

Waxaa si gaar ah loo beegsanayaa saraakiisha & xubnaha bannaanka hantida dhigtay ama aada si loo xayiro, arrintaan waxaa loo sameynayaa in lagu muujiyo sida loogu ciqaabi karo tacadiyada ay geystaan waa sida hadalka loo dhigay.

Nasser Kanaani oo ah Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa waxba kama jiraan ka dhigay dhammaan eedaha loo jeediyay ee la xiriira in Ciidamada kacaanka ay geysteen xadgudub ka dhan ah bania adamnimada.

Like it? Share it!

Leave A Response