Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Wasiirada Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud iyo Kenya Danjire Raychelle Omamo ayaa ka wada hadlay dib usoo celinta xiriirka labada Dowladood iyo in dib loo furo safaaradaha Muqdisho iyo Nairobi. War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradaha arrimaha dibadda ee labada Dowladood ayaa lagu xusay inay ka wada hadleen labada Mas’uul arrimaha Amniga, Ganacsiga...

Afhayeenka Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo, Korneyl Aadan Axmed Xirsi (Aadan Rufle) ayaa sheegay in Ciidanka Kenya ay weli dhibaatooyin ka wadaan Gobolka Gedo, ayna sidoo kale xanibaado kusoo rogeen qeybo ka mid ah gobolka. “Waxaan doonayaa ummadda Soomaaliyeed inaan la wadaagno dal iyo dibadba inaysan Kenya joojin dhibaatooyinkii ay ka waday Gobolka Gedo,” ayuu...

Kulan looga hadlayay Amniga & la-dagaalanka Al-Shabaab ayaa waxaa uu ka qabsoomay degmada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan, iyada oo kulanka ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin kala duwan. Saraakiisha Ciidamada qeybta 27aad ayaa Kulanka looga dhageystay warbixin la xiriirta dhanka amniga degmada iyo degaannada hoostaga, iyaga oo sheegay in uu yahay mid wanaagsan, balse...

Dowladda Turkiga ayaa si adag u cambaareeysay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay oo Talaado aheyd lagu weeraray Xerada Tababarka Janeral dhega-badan ee magaalada Muqdisho, kaas oo ay ku dhinteen ku dhawaad 20 Ruux. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda dowaldda Turkiga ayaa lagu sheegay in ay aad uga xun yihiin, qaraxaas, iyada oo looga taciyadeeyay ehellada...

Xerada tabbabarada ciidanka xoogga dalka ee Janaraal Dhaga-badan oo ah Xerada loogu magac daray Janaraal Cabdikariim Yuusuf Adan Dhaga-badan, ee ku taallo Degmada Wadajirwaa goob lagu tababaro ciidamada xoogga dalka Soomaaliya. Tan iyo 2010-kii, marki la billaabay in ciidamada lagu tababaro, waxaa xeradaas ka soo baxayey dufcado ciidamo iyo maleeshiyaad aan dowladda ka...

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa kulan la qaatay Safiirka Dowlada Ingiriiska ee Soomaaliya Ambassador Kate Foster. Kulankaan ayaa looga hadlayay Arrimaha Doorashooyinka ilaalinta qoondada haweenka Amniga Bini’aadanimada iyo dhismaha gole yaasha deegaanka oo qorsheysan in laga sameeyo degaannada Hir-Shabeelle. Madaxweynaha...

Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon ayaa hormarineysa hindise cusub oo tobaneeyo tababarayaasha ciidamada gaarka ah dib loogu dirayo Soomaaliya, lix bilood kadib markii uu kasoo saaray madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, waxaa sidaas qoray New York Times. Hindisahan ayaan weli loo gudbin Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka Lloyd J. Austin III, sida...

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee DANAB gaar ahaan Ururka 7aad ee, ayaa howlgallo qorsheysan oo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab waxaa ay ka sameeyeen degaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Ciidamada ayaa howlgalka waxaa ay sigaar ah uga fuliyeen Tuulooyinka Mareerey, Sabuun, Baaroow Madiina cade , Gaaleef iyo Buurdheer,...

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Kismaayo ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Wakiilka gaarka ah ee Xoghaya guud ee Qaramada midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya James Swan. Wafdiga ayaa waxaa kale oo kamid ahaa Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya, Danjire Francisco Caetano Madeira,...

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta dibad-bax cabasho ah ka dhigay dhalinyarada ku shaqeysata mootooyinka Bajaajta ee ka howl-gasha caasimada, iyagoo isugu soo baxay fagaaraha taalada Daljirka Daahsoon. Bajaajleydan ayaa xirtay wadada Shabelle ee hormarta taallada Daljirka Daahsoon, una dhow xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho. Dhalinyarada kaxeysa...