Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Qoraal war-gelin ah oo mar kale ka soo baxay Guddiga Qaranka Tacliinta Sare ee wasaaradda waxbarashada dowladda federaalka ayaa loogu yeeray qaar ka mid ah Jaamacadaha ka howlaga gobollada dalka Soomaaliya, kuwaas oo aan ka soo jawaabin fariimo hore oo uga yimid guddigan. Guddiga ayaa jaamacadaha aan weli ka soo jawaabin fariimahoodii hore ka codsaday inay la soo xariiraan...

Sida ay u xaqiijiyeen warbaahinta mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug iyo Madaxtooyada Soomaaliya, waxaa khilaaf soo kala dhaxgalay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid. Labadaan mas’uul ayaa isku khilaafay xil ka qaadistii uu Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ku sameeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka...

Wararka ka imaanaya xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle ee Jowhar ayaa sheegaya in saaka askari ka tirsan ciidamada Booliska HirShabelle uu nin oday ah ku diley gurigiisa oo ku yaal meel aan ka fogeyn saldhiga Booliska Jowhar. Sida ay dadka deegaanka sheegeen howlgalo ay saaka waaberigii ka wadeen xaafadaha u dhow dhow saldhigga booliska ciidamada ayuu mid kamid ah ciidamada...

Wafdi Saraakiil ah uu hogaaminayo Taliyaha Qeybta 60aad ee Ciidanka xoogga dalka Jenaraal Maxamed Sheikh Cabdullahi (Ciirow) ayaa Gaarey Degmada Baraawe ee Caasimada Koonfur Galbeed. Taliyaha iyo Wafdigiisa ayaa Waxaa garoonka Diyaaradaha degmada Baraawe kusoodhaweeyey Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka , Maamulka Degmada iyo Mas’uuliyiin kale. Taliyaha Qeybta 60aad...

Wafdiga oo isugu jira Wasiiro ka tirsan dowladda Federaalka & Maamulka Hir-Shabeelle ayaa waxaa ay Maanta gaareen Magaalada Beledweyne oo ah Xarunta Gobolka Hiiraan. Wafdiga oo ay kamid ahaayeen Wafdigan Agaasimaha Guud Wasaaradda Howlaha Guud Xukuumadda Soomaaliya & Wasiirka howlaha Guud ee hir-Shabeelle,Wasiirka Maaliyada Maxamed Maxamuud Cabdulle, Wasiirka...

Muwaadinka Soomaaliyeed oo la sheegay inuu ka barbar dagaalamayey Maleeshiyadda Kooxda Xuutiyiinta ayaa lagu dilay Iska-horimaad ay Maleeshiyada Xuutiyiinta iyo Ciiddanka Dowladda Yemen ku dhex maray Jiidaha Dagaalka ee Gobalka Ma’rib ee Bariga dalkaasi. Muwaadinkaasi oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Saalax Sheekh Daahir waxaa la sheegay in Khamiistii la soo dhaafay...

Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ee Saciid Cabdullaahi Deni & Axmed Maxamed Islaam ayaa waxaa la filayaa inay Maanta dib ugu laabtaan magaalooynka Kismaayo iyo Garoowe. Labada Madaxweyne ayaa waxaa ay Magaalada Muqdisho uga qeyb galeen shirkii lagu saxiixay heshiiska doorashada ee ka dhacay teendhada Afisiyooni, iyaga oo sidoo kale la kulmay...

Golaha Midowga Musharaxiinta Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay maanta ra’iisul wasaare Rooble u gudbiyaan liis ay ku qoran yihiin magacyada labatameeyo qof oo xubno ka ahaa Guddigii lagu muransanaa ee doorashooyinka ee heer federal iyo heer gobol. Xubnahan ayaa ah kuwa lagu soo eedeeyay inay yihiin shaqaalaha dowladda, wakiilo ka tirsan hay’adda sirdoonka qaranka ee...

Waxaa saaka guud ahaan degaannada Soomaliland si nabadgelyo ah uga bilaawday doorashada Golaha Wakiilada iyo degaanka Soomaliland oo markii ugu horreeysay si isku mid ah u dhaceysa. Doorashada ayaa waxaa ka qeyb galaya oo codeynaya in ka badan ( Hal Malyan) oo qof , waxaana tartamaya ku dhawaad 1,000 ( Kun) Musharax oo u kala tartamaya Golaha Wakiilada iyo degaanka ee...

Ciidanka xoogga dalka ayaa waxaa ay weli Gobolka Shabeellaha Dhexe kawadaan howlgal ka dhan ah Ururka Al-Shabaab, kaas oo uu hoggaaminayo taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage. Howlgalka ayaa Ciidamada waxaa ay sigaar ah uga wadaan degaannada kala ah,Gal-labashiir, War dhagax, war ciise, Gaal leef, Qoor dheere, Jilable iyo Cali Fooldheere,...