Faahfaahin dheeraad ah oo ka soo baxaysa dil ka dhacay saaka magaalada Jowhar

by admin | Monday, May 31, 2021 | 346 views

Wararka ka imaanaya xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle ee Jowhar ayaa sheegaya in saaka askari ka tirsan ciidamada Booliska HirShabelle uu nin oday ah ku diley gurigiisa oo ku yaal meel aan ka fogeyn saldhiga Booliska Jowhar.

Sida ay dadka deegaanka sheegeen howlgalo ay saaka waaberigii ka wadeen xaafadaha u dhow dhow saldhigga booliska ciidamada ayuu mid kamid ah ciidamada Booliska ka shakiyay nin la sheegay in madaxa wax uga dhinaayeen kaasoo ciidamada amarkooda diiday.

Mid kamid ah ciidamada booliska ayaa la sheegay in uu rasaas ku furay waxaana uu ninka rayidka ah oo magaciisa lagu sheegay Xuseen uu udhintey dhaawacii ka soo gaaray rasaasta,waxaana xabsiga la dhigey askariga dilka geystey.

Qaar kamid ah dadka degen xaafada Buulomakiino oo ah halka uu dilka ka dhacay ayaa banaanbax ka dhigey meel ku dhow saldhigga booliska hase yeeshee waxaa ay ciidamadu ay kala eryeen dadkii banaanbaxayay.

Like it? Share it!

Leave A Response