Doorashada Golaha Wakiilada & degaanka ee Soomaaliland oo bilaawday

by admin | Monday, May 31, 2021 | 274 views

Waxaa saaka guud ahaan degaannada Soomaliland si nabadgelyo ah uga bilaawday doorashada Golaha Wakiilada iyo degaanka Soomaliland oo markii ugu horreeysay si isku mid ah u dhaceysa.
Doorashada ayaa waxaa ka qeyb galaya oo codeynaya in ka badan ( Hal Malyan) oo qof , waxaana tartamaya ku dhawaad 1,000 ( Kun) Musharax oo u kala tartamaya Golaha Wakiilada iyo degaanka ee Soomaaliland.

Xubno kamid ah guddiga doorashooyinka Soomaaliland ayaa waxaa ay sheegeen in doorashadaan ay hakayan in ka badan 14,000 ( Toban & Afar kun) oo Shaqaale, sidoo kale ay korjoogto ka yihiin 700 oo Wufuud Caalami ah.
Ammaanka Guud ee guud ahaan degaannada Soomaaliland ayaa aad loo adkeeyay, iyada oo la oo joojiyay dhamaan isku socodka Gaadiidka marka laga reebo kuwa ka qeyb qaadanaya howlaha doorashooyinka.
War qoraal ah oo kasoo baxay Booliska Soomaliland oo la xiriiray ammaanka
“ Ciidanka Booliska Somaliland waxa ay la socod siinayaan guud ahaanba Shacabka Somaliland in la joojiyay Dhaq-dhaqaaqa gaadiidka kala duwan,Isla-markasna ay xran yihiin Xududaha Dhulka,Cirka iyo Baduba laga bilaabo 3:00am ilaa 6:00pm ee 31May.
Kaliya waxa dhaq-dhaqaaqa loo ogolyahay Gaadiidka haysta Ruqsadda Lambarka Komishanka Doorashooyinka Qaranka, waxa lagu adkaynayaa Laamaha ammaanku inay si buuxda u fuliyaan awaamiirtaas kor-ku-xusan Cidii ka hor timaada gacan bir ah ku qabtaan.
Wakiilo ka socda Beesha Caalamka oo isha ku haya doorashooyinka qofka iyo Codka ah ee ka socda degaannada Soomaliland, waxaana dhaqaalaha ugu badan eek u baxaya doorashada bixinaya Xukuumadda Soomaaliland iyo qaar kamid ah dowladaha taageera.

Like it? Share it!

Leave A Response