Wafdi gaaray Magaalada Beledweyne & ujeedka oo la shaaciyay{AKHRISO}

by admin | Monday, May 31, 2021 | 274 views

Wafdiga oo isugu jira Wasiiro ka tirsan dowladda Federaalka & Maamulka Hir-Shabeelle ayaa waxaa ay Maanta gaareen Magaalada Beledweyne oo ah Xarunta Gobolka Hiiraan.

Wafdiga oo ay kamid ahaayeen Wafdigan Agaasimaha Guud Wasaaradda Howlaha Guud Xukuumadda Soomaaliya & Wasiirka howlaha Guud ee hir-Shabeelle,Wasiirka Maaliyada Maxamed Maxamuud Cabdulle, Wasiirka Ganacasiga Yaxye ayaa waxa Beledweyne kusoo dhaweeyay Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Abuukar Sheikh Cabdulahi Xildhibaan Aadan Kaladire Maamulka Beleddweyne & mas’uuliyin kale.

Ujeedka Wafdiga Baladweyne ayaa waxaa ay ku sheegen Daah-furka iyo daraaseenta Jiidka dheer ee laamiga ah illaa iyo Isgoyska Kala-beyr kaddibna ay dhagax dhiigi doonaan dhismaha jiidka sidda u sheegay Wasiirka Howlaha Guud ee Maamulka Hirshabeelle.

Sidoo kale wafdiga ayaa waxaa la filayaa inay kulamo kala duwan la qaatay mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan, Odayaasha Dhaqanka iyo qerybaha kala duwan ee Bulshada.

Like it? Share it!

Leave A Response