Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Maleeshiyaad hubeysan ayaa waxaa la sheegay in degaanka Bacda ee Duleedka degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ku dishay Nin la sheegay in uu ahaa Darawal Gaari. Ninka oo lagu Magacaabi jiray  Cabdi Humbul ayaa ka mid ahaa darawada mudada dheer ka shaqeynayay jidka isku xira Baladweyne iyo Matabaan, isla markaana uu wade la ahaa Gaari qaada Maalin walba jaad, iyada oo...

Dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qarax ismiidaamin ah oo Maanta ka dhacay Afaafka hore ee Xerada Tababarka Janeraal Dhegabadan ee Warshaddda Nacnaca oo ku taal degmada Wadajir. Qof isku soo xiray waxyaabaha qaraxa ayaa beegsaday dhalinyaro taagnaa Afaafka hore ee xerada, kuwaas oo loo qorayay Ciidannimo, isla markaana doonayay inay ku tababartaan Gudaha Xerada. Wararka...

Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee dalalka ku bahoobay Ururka Jaamacadda Carabta ayaa la filayaa in Maanta oo Talaado ah Shir Degdeg ku yeeshaan Caasimadda dalka Qatar ee Doha. Hadal ka soo baxay Golaha Ururka Jaamacadda Carabta dhawaan ayaa lagu shaaciyey in kulankan dib loogu eegi doono Dhacdooyinka u dambeeyey ee laga walaacsan yahay ee arrinta Biyo-xireenka Itoobiya ee...

Hoggaamiyaha Golaha Kacdoonka Hiiraan, Jenaraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Beledweyne ayaa ka hadlay kulan la sheegay inuu xalay dhex-maray isaga iyo Madaxweyne Ku-xigeenka HirShabelle. Jeneraal Xuud ayaa sheegay in uusan jirin kulan siyaasadeed oo dhex-maray asaga iyo Yuusuf Dabageed, balse ay ku kulmeen munaasabad ay iskugu timid...

In ka badan 250 Muhaajiriin ayaa ku geeriyootay Doonidaasi oo ka shiraacatay Xeebaha Jabuuti, kuna sii jeeday Yemen. Doonidaasi oo ay la socdeen ilaa 300 oo qof ayaa la sheegay inay shalay ku degtay Bartamaha Badda, iyadoo ay ka badbaadeen in ka badan 20-qof, kuwaasi oo la sheegay inay qabsadeen ama ku dhegeen Dhakada Sare ee Doonida qalibantay. Afar Yemeniyiin ayaa la...

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen degaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo la sheegay inay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab. Howlgalka ayaa Cciidanka xoogga dalka waxaa ay sigaar ah uga fuliyeen Degaanada Macalinka, Sabriye ,Balod, Binaanka-Balow, moordiinle, iyo Ciise...

Maanta ayaa waxaa lagu wadaa in Xarunta Baarlamaanka Puntland ee Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal uu ka furmo Kal-fadhiga 48-aad ee Golaha Wakiilada Maamulka Puntland. Kulanka oo uu furi doono Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa goobjoog ka noqon doona Guddoonka Golaha Wakiilada iyo inta badan Xildhibaannada Golaha Wakiilada...

Raggan ayaa maanta lagu xukumey Maxkamad ku taal  magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, waxaana ay gaarayaan illaa sideed iyo toban rag ah. Toddobo iyo toban kamid ah ragga waxaa lagu xukumay dil toogasho ah, halka kan kalana lagu xukumay xabsi daa’in. Waxey ku eedeysan yihiin in Gaalkacyo, iyo qeybo kala duwan ee maamulka Puntland kamid ah iney ku laayeen dad gaaraya...

Guddoomiye Ku xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka Gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabiley Safiirka  dowladda Ugandha Ambassador Mugisha, waxa ayna labada masuul ka wada hadlay adkeynta Xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya  Soomaaliya iyo Ugandha. Ambassador Mugisha oo ka mahadceliyey sida loogu soo dhoweeyey xafiiska Amniga ee...

Wararka naga soo gaaraya degaanka Hoosingow ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaa  ay weerar madaafiic ah iyo mid toos ah ku qaadeen Salshiga Ciidamada Kenya. Dadka degaanka ayaa waxaa ay sheegeen in ilaa dhowr madfac lagu weeraray Saldhiga, sidoo kalena uu jiray dagaal toos ah oo dhexmaray Ciidamada Kenya iyo Xubnaha ka...