Tahriibayaal Jabuutiyaan ah oo ku dhintay Doon la degtay

by admin | Tuesday, Jun 15, 2021 | 279 views

In ka badan 250 Muhaajiriin ayaa ku geeriyootay Doonidaasi oo ka shiraacatay Xeebaha Jabuuti, kuna sii jeeday Yemen.
Doonidaasi oo ay la socdeen ilaa 300 oo qof ayaa la sheegay inay shalay ku degtay Bartamaha Badda, iyadoo ay ka badbaadeen in ka badan 20-qof, kuwaasi oo la sheegay inay qabsadeen ama ku dhegeen Dhakada Sare ee Doonida qalibantay.

Afar Yemeniyiin ayaa la sheegay inay Naakhuudayaal ka ahaayeen Doonida, mana kala cadda waxa sababay inay qalibanto Doonida oo dhowr maalmood ka hor ka shiraacatay Xeebaha Jabuuti.
Waxaa kaloo la soo weriyey inay tiro Maydadka Muhaajiriinta dul sabaynayeen Xeebta Marinka Baabul Mandab ilaa Raas Al-Caarat ee Gobalka Laxaj ee dalka Yemen.

Like it? Share it!

Leave A Response