Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Donlad Trump oo mar kale damac uga jiro in uu hoggaamiyo talada dalka Mareykanka ayaa wajahaya caqabado badan oo ku aadan sidii looga reebi lahaa tartanka doorashada madaxweynaha ee sannadkan dhacaya. Maxkamadda Sare ee gobolka Colorado ee dalka Mareykanka ayaa xukuntay in Donald Trump uusan u tartami karin xilka madaxtinimada sannadka...

War ka soo baxay Dowladda Itoobiya gaar ahaan Gudiga amniga ee Itoobiya ayaa lagu sheegay in gacanta lagu dhigay 14 xubnood oo katirsan kooxda Al Shabaab, kuwaas oo qorshaynayay inay falal ka fuliyaan Jigjiga iyo magaalooyin kale oo kamid ah Dowlad degaanka Soomaalida. Warkan oo lagu baahiyay Warbaahinnada kala duwan ee ku hadla Afka dowladda Itoobiya ee u horreyso EBC,...

Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah kasoo saartay duqeyn 17-kii bishaan Decembar ka dhacday degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe. Duqeynta ka dhacday Jilib ayaa aheyd mid diyaaradeed oo ay iska kaashadeen dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka, taasoo lala eegtay horjooge ka tirsanaa kooxda Shabaab oo ay dowladda Mareykanka si weyn u doon dooneysay. Taliyaha...

Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in ay qaybteeda ka qaadanayso ilaalinta Xeebaha Badda Cas, oo baryahan danbe ay ka dhaceen falal amni daro oo la xidhiidha budhcad badeednimo. Wasiirka Wasaarada Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo ka warbixiyay xaalada Badda Cas, ayaa sheegay in Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland ay qabteen kooxo doonayay in ay...

Wafdi saraakiil ah oo uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Boliiska dalka jabuuti G/lle sare Cabdiraxmaan Cali Kaahin ayaa goordhow soo gaaray Magaalada Muqdisho waxaana si weyn usoo dhaweeyey Taliye ku xigeenka Ciidanka Boliiska General Cismaan Cabdullaahi Kaniif iyo saraakiil kale. Safarka Taliyaha ayaa la xiriira ka qeyb galka Munaasabadda weyn ee 80 sano guurada aas aaska...

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo garab ka helaya ciidanka Daraawiishta Galmudug iyo kuwa dadka deegaanka ayaa saakay si buuxda ugala wareegay kooxda Al-shabaab deegaano ku yaala Koonfurta gobolka Mudug. Deegaanada ay saakay la wareegeen ciidamada is kaashanaya ayaa kala ah Dhagaxdheer iyo Dahar Cali Xayloow, kuwaas oo hoostaga magaalada Caad ee koonfurta Mudug. Saraakiisha...

Baaritaan ku saabsan shilkii uu ku lugta lahaa wiilka uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya oo maalmihii lasoo dhaafay ay wadeen khubarrada dambiga iyo Machadka foreensigga dalka Turkiga ayaa soo saaray warbixin cusub. Warbixinta ayaa lagu sheegay in shilka gaari ee ka dhacay magaalada Istanbul 30-kii bishii Novembar ee uu ku dhintay Yunus Emre Göçer oo ah wade mooto uu...

Madaxweynaha Dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar oo ka qayb galay Shirweynaha 32aad ee Waxbarashada degaanka Soomaalida ayaa ka hadlay Waxbarashada iyo dhibaataada uu leeyahay Qishka. Madaxweynuhu waxa uu ugu horreyn ka hadlay Waxbarashada iyo meelaha ay ka liidato oo ay u horreyso Qishku, isagoo sheegay in dhinaca Qishka ardayda wax laga qabtay dhinaca dugsiga sare,...

Sida lagu sheegay Warbixinno ay daabaceen dhowr warbaahin oo qaarkood ah kuwa ku hadla afka cibriga ah (Afka Yuhuudda) waxaa guuldaraystay dedaalkii Ciidanka Israaiil ay ku doonayeen in ay kusoo furtaan Maxaabiista Xamaas ka qabsatay Bishii Oktoobar 2023. Xukuumadda Benjamin Netanyahu waxaa saaran cadaadis xooggan oo uga imaanaya ehelka Dadka la haysto oo sheegay in aanay...

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur oo ka hadlaayay qorshaha bixitaanka ciidanka ATMIS ayaa sheegay inuu u socdo sidii loogu talo galay. Wasiir Jaamac ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka ATMIS gabi ahaanba dalka isaga bixi doonaan dhamaadka sanadka soo socda ee 2024-ka, islamarkaana wixii ka horeeya si tartiib tartiib ah ciidanka dowlada...