Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Wargeyska The Star ee ka soo baxa dalka Kenya oo warbixin ka qoray doorashada Jubbaland ayaa sheegay in muwaadiniin Kenyaan ah ay u tartamayaan hoggaanka maamulkaasi.Wargeyska ayaa xaqiijiyey in 3 ka mid ah musharrixiinta u taagan xilka madaxweynaha Jubbaland ay heystaan dhalashada Kenya, islamarkaana ay doonayaan in ay hoggaamiye ka noqdaan maamulkaasi. The Star ayaa...

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa goobjoog ka ahaa dhaarta Guddiga Kumeel-gaar ka ah ee Doorashooyinka Puntland oo maanta ka qabsoontay qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe. Dhaarta kadib Madaxweynaha Puntland ayaa ku baraarujiyey xubnaha Guddiga inay sugayso shaqo muhiim ah oo kamid ah Axdi Qarameedkii Puntland lagu dhisay, taasi oo ah in dalka la...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee Caasimadda dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.   Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Jabuuti ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaraaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Cabdulqaadir Kaamil Maxamed, Wasiirrada Arrimaha...

Isutagga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ ayaa hoteelka Jazeera ee magaalada Muqdisho waxaa uu ku qabtay dood cilmiyeed la xiriir…ta sidii ay wariyayaasha u heli lahaayeen xogta dadweynuhu u baahan guud ahaan in ay helaan ,gaar ahaan xilliyada ay dhacaan weeraro ,qaraxyo ama xasarad abuurta jahawareer qatar galin karta helida warka saxda ah. Waxa sidoo kale doodda...

Maxkamadda sare ee Puntland ayaa shalay u fariisatay dhageysiga  kiiska la xiriira kufsigii iyo dilkii loo geystay Caa’isha Ilyaas Aadan, hase ahaatee arrintii ayaa waji kale yeelatay markii uu maxkamadda horteeda nin ka qirtay inuu kufsigaas geystay. Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame ayaa Maxkamadda sare ee Puntland ka hor qirtay in uu ka qeyb qaatay kufsiga Caasho,...

Galmudug waa degaanka ama bulshada kaliya ee aan heysan dowlad gobaleed dhisan oo u adeegta degaanka iyo dadka daga muddo ku dhow 3 bi,l walina ma muuqato rajo wayn oo lagu dhisi karo maamul loo dhan yahay. Axmed Ducaalle Geelle “Xaaf” ayaa afartii bishii hore oo laga joogo ku dhawaad 50 maalin, u wakiishay howlaha Galmudug wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya, kadib...

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa saakay waxaa dhaq dhaqaaqyo Ciidan ay ka wadaan deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose gaar ahaan deegaanka Tooratooroow iyo degmada Awdheegle  ee gobolkaas oo dhawaan ay Ciidamada Dowladda la wareegeen. Saraakiisha Ciidamadaas hoggaamineysa ayaa shalay waxa ay sheegeen inay ku wajahan yihiin deegaano kale oo ka tirsan Gobolka...

Wabiga Shabelle ee mara deegaano ka tirsan gobolka Shabelelaha Dhexe ayaa maalmihii dambe waxaa taagneed cabsi laga qabo in uu fatahaad sameeyo,isla markaana uu waxyeelo u geysto Beeraha ku yaalla Gobolkaas & dadka deegaamesta hareeraha wabiga, waxana digniin kasoo saartay Wasaaradda Beeraha Maamulka Hir-Shabeelle. Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Beeraha Hir-Shabeelle...

Wakiilka QM ee Soomaaliya, James Swan ayaa qoraal jawaab ah u diray guddoomiyaha guddiga doorashada Jubaland, Xamza Cabdi Barre taasi oo la xiriirtay go’aankii guddiga uu shakay ku dhowaaqay ay dib ugu fureen is-diiwaan gelinta musharaxiinta madaxweynaha, islamarkaana saddex maalmood ay dib ugu dhigaan doorashada madaxweynaha. Tallaabada guddiga ayaa jawaab u ahayd codsi...

Rasaas xooggan ayaa caawa laga maqlay magaalada Dhuusamreeb ee xarunta Galmudug gaar ahaan xarunta Shiirgole oo loogu tala galay Shirka dib u heshiisiinta maamulka Galmudug Waxaana wararka ay sheegayaan in dagaal kooban uu dhexmaray ciidamada Booliska iyo Nabad sugidda ee ku wada sugan goobta, islamarkaana Ciidamo Boolis ah ay diideen in Amniga xarunta ay ku wareejiyaan...