Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Rag hubeysan ayaa xalay salaadii Maqrib kadib waxaa ay Nabadoon Caan ka ahaa deegaananda Jubbooyinka ay xalay ku toogteen Magalada kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Jubbaland. Nabadoonka oo lagu Magacaabi jiray Suldaan Rashiid Dhurre Cumar ayaa xilligii la dilayay waxa uu kasoo baxay Masjid uu kusoo dukaday Salaadii Maqrib oo ku yaalla halka loo yaqaano Dalcad...

Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee Imaaradka Carabta Anwar Gargaash oo ka hadlay maqaalkii uu daabacay wargeyska New York Times ee looga hadlay in Qatar ku lug laheyd qarax ka dhacay magaalada Boosaaso, ayaa sheegay in taasi ay cadeyn u tahay xiriirka Qatar ay la leedahay argagixisada. Gargash ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray “halista codka la duubay ma ahan mid...

Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay in maanta oo ay taariikhdu tahay 31ka July 2019 uu dhaqan galayo go’aankii ay ku dhimayeen mushaarka Ciidamada Kenya qeybta ku jirta AMISOM.Sanad miisaaniyadeedka AMISOM ayaa ka billowda bartamaha sanadkasta waxaana Midowga Yurub horay u sheegay in uu go’aankan ku dhaqaaqayo. Lacagta Dowladda ku hesho Magaca howlgalka AMISOM ayaa lagu...

Xooggaga Al-Shabaab ayaa shalay Galab gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ku dilay nin ay sheegeen inuu sameeyey falkii Qowmu Luud oo kale.Toogashada ayaa ka dhacday fagaare ku yaalla deegaanka Buq Goosaar oo qiyaastii 50 KM dhinaca galbeed ka xiga magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi. Qaadiga Maxkamadda Al-Shabaab ee gobolka Hiiraan ayaa goobta ka akhriyay xukunka...

Magalaada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa Duhurnimadii Maanta oo Arbaco ah ka dhacay banaanbax ka dhan ah dowladda Federaalka Soomaaliya. Banaanbaxa ayaa waxaa soo abaabulay Madaxtooyada Jubbaland,waxana ka qeyb galay qaar ka mid ah ururada Bulshada rayidka ee Magalada kismaayo,kuwaas oo ku baaqayay inay dowladda Federaalka faragelinta ka joojiso doorashada...

Soomaaliya ayaa shalay oo Talaado ah kula saxiixatay Muqdisho heshiis Ururka Iskaashiga Islaamka si loo unko xarunta Ergo Goboleedka Ururka Iskaashiga Islaamka ku yeelanayo Soomaaliya, kaasi oo ka dhigaya xafiiskii hore ee Iskuduwidda howlaha bani’aadannimada ergo goboleed dhammaystiran oo ku suntan howlaha siyaasadda iyo bani’aadannimada. Heshiiska oo ka kooban qodobo...

Waxaa soo hagaageysa xaaladda Caafimaad ee Guddoomiyaha gobalka Banaadir Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan (Injineer Yariisow) oo lagu dabiibayo Isbitaal ku yaalla magaalada Dooxa ee Caasimadda dalka Qatar, sida ay Warbaahinta Dowladda u sheegtay wasiirka Wasaardda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha dowladda Soomaaliya oo haatan ku sugan dalka Qatar Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa...

Ugu yaraan 17 qof ayaa ku geeriyootay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen, markii diyaarad yar oo nooca milateriga  ah ay ku dhacday xilli hore oo Talaadada maanta ah meel ku dhow magaalada Rawalpindi ee dalka Pakistan. Afhayeen  u hadlay hay’adda badbaadada maxalliga oo lagu magacaabo , Farooq Butt ayaa sheegay in ay heleen 17 mayd ah, oo 12 ka mid ihina ay yihiin...

Waxaa halkaan idinkugu soo gudbinayaa 10 dhacdo oo aan lala wadaagin dowladda hadda jirta ee la magac baxday Nabad iyo Nolol. dhacdooyinkaan ayaa iskugu jira kuwo ku yimid gaabis dowladda dhankeeda ah, kuwo ay gacanteeda ku geesatay iyo marxalado ay ka qaadatay go’aan aa la jecleysan. Inta badan dhacdooyinkaan ayaa ku yimid habacsanaan dhanka dowladda ah oo jaaniska...