Ciidamada ammaanka Jowhar oo howl-gal ka wada Magaalada kadib weerar xalay halkaasi ka dhacay

by admin | Friday, Apr 10, 2020 | 521 views
Sida ay sheegeen Masuuliyiin sar sare oo ka tirsan Maamulka Hirshabeelle waxaa saaka Magaalada Jowhar ka socda baaritaanno ay sameeynayaan Ciidamada Booliska  Jowhar, howlgalkaas oo lagu daba joogo falal ka dhan ah Ammaanka oo ka dhacay Magaalada .

Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle Cabdikhaadir Cabdulle Xooshow ayaa  u sheegay  warbaahinta  in Ciidamada nabad-galyada ay bar tilmaameedsadeen dhowr guri oo la tuhmay, waxeyna sidoo kale ay baaritaanno ku sameynayaan gaadiidka soo galaya iyo kan ka baxaya Magaalada Jowhar.

Baaritaannadaan ayaa daba socda kadib weerar xalay ka dhacay Hotel-ka Safa oo ku yaalla Xaafadda Baryare, weerarkaasi oo ahaa Bam-ka gacanta laga tuuro, waxa uuna dhaawac fudud kasoo gaaray Masuul ka tirsan Maamulka Degmada Jowhar.

Falalka arrimaha ammaanka la xiriira waayadii dembe waxey ahaayeen kuwa ka taagan magaalada Jowhar, waxaana horay miino lagu aasay halka loo yaqaanno toddobada geed ku dhaawacmay lix ruux uu kamid yahay Xildhibaan ka tirsan Maamulka Hirshabeelle oo lagu Magacaabo Xildhibaan Sakariye Muumin Hilowle .

Lama oga howgalkaan ay wadaan Ciidamada ammaanka ee Jowhar inuu wax badan ka bedali doono ammaanka Caasimadda Dowlad-Goboleedkaasi faraha kasii baxaya.

Like it? Share it!

Leave A Response