Masaajidyada qaar ee Muqdisho oo Maanta laga Dukan Salaadii Jimcaha

by admin | Friday, Apr 10, 2020 | 451 views

Maanta Masaajidyo badan oo ku yaalla Magaalada Muqdisho ayaa waxaa la sheegay in aan laga dukan Salaadii Jimcaha,kadib markii Masaajidyada qaar ay tageen Ciidamo,isla markaana ay amreen in Masaajidyada la xiro.

Degmooyinka aan Maanta Salaadii Jimcaha aan laga dukan ayaa waxaa kamid ah Wadajir,Xamarweyne Hodan iyo degmooyin kale,waxaana la sheegay in Imaamyada masaajidyada lagu wargeliyey in la xiro si looga hortago Cudurka Coronavirus.

Masaajidyada qaar ayaa dadkii loo diidey inay ku dukadaan ayaa waxaa ay sameeyeen banaanbaxyo ay uga soo horjeedaan in Masaajidyada la xiro,iyaga oo sheegayay inaysan aqbaleyn.

Wasaaradda Awqiifta iyo Diinta ee Xukuumadda Soomaaliya weli sooma saarin war rasmi ah oo ku aadan in la xiro Masaajidyada marka laga reebo inay horey u amartay in la xiro Dugsiyada Quraanka iyo Goobaha Diinta lagu barto.

Like it? Share it!

Leave A Response