Ciidamada DANAB oo la wareegeey tuulooyin dhowr ah

by admin | Wednesday, Jan 1, 2020 | 619 views

Ciidamo ka tirsan Guutada kumaandoosta Danab gaar ahaan Guutada 16aad ee xoogga Dalka ayaa gobolka shabeellaha Hoose ka fuliyay Howl-gal ballaaran oo qorshihiisu ahaa in Al-Shabaab looga saaro deegaanada ay Gobolkaas kaga sugan yihiin.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga ayaa waxaa ay sheegeen in Cidiamada ay Al-Shabaab kala Tuulooyinka Moradiinle, Buula Miskiin, Macallinka, Baladul Amiin, Raqayle, Sabriye iyo Buula Bashiir.

Taliyaha Guutada 16aad ee Danab Cismaan Cabdimaalik Maalin ayaa sheegay in 20 kamid ah Al-Shabaab lagu dilay intii uu socday howlgalka laga fuliyey Gobolka Shabelelaha Hoose

Taliye Ismaaciil ayaa caddeeyay inay sii wadayaaln howl-gallada inta Al:-Shabaab laga saarayo dhammaan deegaannada ay kaga sugan yihiin Gobolkaasi Shabeellaha Hoose.

Like it? Share it!

Leave A Response