Dacwad ka dhan ah Axmed Madoobe oo loo gudbiyey Dowladda

by admin | Wednesday, Jan 1, 2020 | 650 views

Xubno kamid ah Xildhibaannadii hore ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ay sheegeen in dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay u gudbiyeen dacwad ka dhan ah Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Xildhibaan hore  Axmed Ismaaciil oo muqdisho ku sugan ayaa sheegay in dacwadaas ay la xiriirto lacago farabadan oo ahaa mushaarkooda oo uga maqan Maamulka Jubbaland,kuwaas oo aysan qaadan muddo laba sano ah.

Isaga oo la hadlayay Idaacadda Risaala ee Magaalada muqdisho ayuu sheegay Xildhibaanka in dacwadaas ay u gudbiyeen hay’adaha kala duwan ee Dowladda iyo Maxkamadda sare,isla markaan ay ka maqan tahay lacag ku dhow 70 Kun oo Dollar.

Waxaa uu rajo wanaagsan ka muujiyey in Hay’adaha Dowladda Federaalka ay la xisaabtami doonaan Madaxwyenaha Jubbaland,isla markaana ay ka heli doonaan xaquuqdii ay ku lahaayeen.

Dhor jeer oo hore ayay sidaan oo kale u sheegeen Xildhibaano ka tirsanaan jirey Baarlamaankii hore ee Jubbaland in hogaganka Maamulkaas gaar ahaan Axmed Madoobe ay uga maqan tahay lacag farabadan balse uusan ka jawaabin.

Like it? Share it!

Leave A Response