Wararkii ugu dambeeyay Mooshin xilka qaadis ah oo laga Gudbiyay Madaxweyne Waare

by admin | Tuesday, Dec 31, 2019 | 628 views

In ka badan 40 xildhibaan oo ka tirsan baarlaamanka maamulka Hirshabeelle ayaa Madaxweynaha maamulkaasi ka gudbiyay Mooshin xilka qaadis ah sidda ay Risaala u xaqiijiyeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulkaasi.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada maamulka Hirshabeelle ayaa Risaala u xaqiijiyay in Mooshinkaan dhawaan loo gudbiyay Guddoonka baarlamaanka Hirshabeelle.

Waxa ay sheegeen in Guddoonka baarlamaanka ay ka dalbanayaan in uu fadhiisiyo xildhibaanada si looga doodo Mooshinkaan laga keenay Madaxweyne Waare.

Xildhibaanada ayaa xusay in Madaxweyne Waare uusan waxba ka qaban dhibaatooyinka jira degaanada maamulka Hirshabeelle, islamarkaana inta badan xildhibaanada uu Wasiiro ka dhigay si aan xilka looga qaadin.

Dowladda Soomaliya ayay sheegeen in ay faragalin ku heyso Mooshinka laga Gudbiyay Madaxweyne Waare, islamarkaana wafdi ka socda ay soo gaareen Magaalada Jowhar.

Waxa ay sidoo kale sheegeen in uu lunsaday xuquuqdii loogu tala galay Xildhibaanada maamulka Hirshabeelle.

Like it? Share it!

Leave A Response