Ciidamada Dowladda Federaalka oo howlgallo ka dhan ah ‘AS’ Kawada Shabeelaha Hoose & Saraakiil tagtay Dhanaane.

by admin | Sunday, Mar 24, 2024 | 39 views

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgallo ka dhan ah ‘AS’ kawada Deegaanno katirsan Gobolka Shabeelaha Hoose Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed si gaar ahaan deegaannada dhaca dhinaca Xeebta ee u dhaxeeya Muqdisho iyo Marka.

Ciidankaan ayaa saldhigyo cusub ka samaystay deegaanno dhowr ah kaddib markii dagaalamayaal katirsan ‘AS’ ay weerareen mid kamid ah Saldhigyada ay ku leeyihiin deegaanka Bulseey waxaana halkaas ku dhintay sarkaalkii hoggaaminayay ciidankaas.

 

 

Howlgalkaan inta uu socday waxaa kormeeray qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka sida Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Janaraal Dayax Cabdi Cabdulle iyo Taliyaha guud qaybta Booliiska Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Macallin Mahdi.

Kulan gaar ah ayay wada qaateen saraakiisha ciidamada federaalka ee deegaanka dhanaane joogay iyo saraakiishaan sare ee Militariga iyo Booliiska ka kala tirsan iyaga oo kawada hadlay dardargelinta howlgallada ka dhanka ah ‘AS’.

Ilo kala duwan ayaa u sheegay  warbaahinta in Dowladda Federaalka ciidamo dheeraad ah ay gaysatay deegaanka Dhanaane si loo xoojiyo ciidamada halkaas ku sugan maadaama qaarkood ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen weerarkii shalay.

Like it? Share it!

Leave A Response