Shirka Wadatashiga Farmaajo, Sheekh Shariif iyo Deni oo ka furmay Garoowe

by admin | Saturday, Mar 23, 2024 | 49 views

Shirka u dhexeeya Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa goor dhow ka furmay magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Shirkaan ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha wax ka bedelka Dastuurka oo si weyn uga soo horjeedaan Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Shariif, Farmaajo iyo Madaxweyne Saciid Deni ee Maanta shirka u furmay.

Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni,  Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed, Madaxweyne ku-xigeenka, Guddoomiyaha Golaha Wakillada Puntland, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakillada Puntland Maxamed Baari , Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka iyo Aqalka Sarre ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Goleyaasha Puntland.

Madaxweynayaashii hore ee dalka  iyo Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si isku mid ah uga soo horjeeda qorshaha wax ka bedelka Dastuurka KMG, waxaana madaxdan la filayaa inay shirkaan kasoo saaraan Go’aano.

Like it? Share it!

Leave A Response