Sargaal caan ah oo saakay lagu dilay Weerar Al Shabaab ku qaadeen Ciidanka Dowladda

by admin | Saturday, Mar 23, 2024 | 49 views

Kooxda Al Shabaab ayaa saakay weerar culus oo qaraxyo ku bilowday kusoo qaaday fariisimo ciidanka dowladda  ku lahaayeen deegaan lagu magacaabo Busley, oo ku dhaw deegaanka Jaziira ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Sida aan wararka ku helnay kooxda Al Shabaab ayaa qaraxyada kaddib weerar toos ah ku qaaday xerada ay joogeen ciidanka dowladda oo isugu jiray Booliisa Milataare, Haramcad iyo sidoo kale ciidanka NISA ee loo yaqaan Duufaan.

Ciidanka dowladda ayaa la sheegay in si adag isaga difaaceen weerarka kooxda Al Shabaab, waxaana xerada la weeraray ka dhacay dagaal culus oo dhiig badan ku daatay uuna khasaaro kasoo gaaray labada dhinac.

Dagaalka waxaa ku dhintay saraakiil iyo askar katirsan ciidanka dowladda, waxaana dadka dagaalka lagu dilay kamid noqday sargaal katirsanaa Booliisa Milataare oo lagu magacaabayay Liibaan Golcad, kaa oo si weyn looga yaqaanay Muqdisho iyo duleedkeeda.

Sargaalkan la dilay ayaa kamid ahaa saraakiisha hoggaamisa ciidanka xasilinta caasimadda Muqdisho ee Booliisa Milataare, waxa uuna sargaalkan door weyn ku lahaa xasilinta ammaanka magaalada iyo deegaannada ku dhaw dhaw.

Dowladda Soomaaliya ayaana wali ka hadlin weerarka Al Shabaab kusoo qaadeen ciidankii joogay deegaanka Busley iyo khasaaraha ka dhashay, Al Shabaab ayaana dhankooda guulo ka sheegtay dagaalka saakay kusoo qaadeen ciidanka dowladda.

Like it? Share it!

Leave A Response