Ciidamada Somaliland oo Hargeysa ka bilaabay howlgal lagu qab qabanayo dadka Ajaanibta ah

by admin | Thursday, Feb 18, 2021 | 333 views

Ciidanka Socdaalka Somaliland (Immigration) ayaa saaka gudaha magaalada Hargeysa ka bilaabay hawl-gal ballaaran oo lagu raafayo dadka ajaanibta ah gaar ah dadka qowmiyadda Oromada eek u nool Magaaladaas.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa Magaalada Hargeysa waxaa kusoo badanayay dadka ajaanibta ah gaar ahaan qowmiyadda Oromada oo qaarkood ka dawarsanaya.

Dad u badan Wariyeyaal ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay Baraha Bulshada soo dhigayeen Sawirada Rag kasoo jeeda qowmiyadda Oromada ee dalka Itoobiya, kuwaas oo ka dawarsanaya gudaha Magaalada Hargeysa, taas oo keentay in Ciidamada ay tallaabo qaadaan.

Ciidanka Socdaalka Somaliland aya goobo gaar ah geynayay dadka ay qab qabteen, iyada oo aysan fah faahin ka bixin sida ay ka yeelanayaan, hayeeshee warar soo baxayay ayaa sheegaya in Itoobiya dib loogu celin doono.

Like it? Share it!

Leave A Response