Waa naloo heshiiyey ee reer Muqdisho ma noo hiillineysaan sidii aan idiin ku hiillinay 1960 mise waan tashannaa? ” Prof Samatar.

by admin | Thursday, Feb 18, 2021 | 377 views

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo kamid ah  aqoonyahanada kasoo jeeda degaannada Soomaliland eek u sugan muqdisho ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo Arrimaha doorashada Soomaliya oo weli uu muran ka tagan yahay.

Prof Samatar oo Warbahinta kula hadlay Muqdisho ayaa marka hore is weeydiiyay in dadka kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ay xaq u leeyihiin inay u madax banaanaadaan inay soo xushaan dadka ku matalaya dowladda Federaalka.

Waxaa uu sheegay in ay soo gaartay in heshiis lagu gaaray magalada baydhabo, kaas oo la xiriira doorashada, waxaana uu sheegay in aan la heshiin ee loo heshiiyay hadii ay yihiin dadka kasoo jeeda Gobolada Waqooyi.

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in curadkii Soomaaliyeed ay ahaayeen dadka degan Gobolada Waqooyi, waxaana uu cadeeyay hadii gobanimo ay ku waayan muqdisho ay tahay waran hablowha goynaya midnimada Soomaaliyeed lana nijaaseeyay wixii ummadda isku keenay.

“ Waa naloo heshiiyey ee reer kuufurta gaar ahaan reer Muqdisho ma noo hiillinaysaan sidi aan idiin ku hiillinay 1960 mise waan tashannaa? Ayuu yiri” Prof Samatar.

Hadalka Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xili weli heshiis rasmi ah aan laga gaarin arrimaha doorashooyinka dalka, hayeeshee Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo uu xalay shir iugu yeeray Madaxda dowlad Goboleedyada iyo Gbolka Banaadir.

Like it? Share it!

Leave A Response