Ciidamada SSC Khaatumo oo la wareegay taliskii ugu waynaa ee Somaliland ee Goojacadde

by admin | Friday, Aug 25, 2023 | 197 views
Ciidamada SSC Khaatumo oo guulo isdaba joog ah saaka ka gaadhay dagaalo dhexmaray ciidanka Somaliland, ayaa qabsaday saldhigii caanka ahaa ee Goojacadde.

“Hada waxaanu taaganahay Goojacadde, Alle saaka waana guuleeyay, nimankiina waa carareen Goodi ayay sii socdaan, hada halkan aynu taaganahay waa talis koodii ugu waynaa ee ay deeganada SSC ku layaaheen” mid kamid ah raga ciidanka hoggaaminayay ayaa sidaa yidhi.

Saldhigan ayaa ahaa kii ugu waynaa ee ciidamada Somaliland ku lahaayeen agaa Laascaanood, dagaalka ayaa la sheegaya in uu imika sii xoogaystay, ciidamada SSC ayaa soo bandhigay maxaabiis iyo gaadiid ay ka qabsadeen ciidamada Somaliland.

Dagaalka oo saaka xili hore bilaabmay ayaa ciidamada Somaliland lagu gaadhsiiyay jab xoogan, iyada oo ay tahay markii kowaad ee ciidamada SSC ay qabsadaan saldhigyadan muhiim ka ah.

Dagaalka ayaa wali soconaya waxaana la sugaya halka uu ku dhamaado, iyo in ciidamada SSC ay gacanta ku sii hayn doonaan goobahan muhiim ka ah ee ay qabsadeen.

Like it? Share it!

Leave A Response