Qaar kamid ah xarumaha ganacsiga Boosaaso oo xiran cabsi kasoo wajahday Daacish

by admin | Thursday, Aug 24, 2023 | 108 views

Qaar kamid ah shirkadaha waawayn ee ganacsiga ku leh magaalada ganacsiga ah ee Boosaaso ee gobolka Bari, ayaa muddo 7 cishe ah waxay xarumahooda u xiran yihiin hanjabaad uga timid Daacish.

Shirkadaha kala ah, Towfiiq, Gufurre, Horseed iyo Oomaar ayaa sida xogo aan helnay, waxay sheegayaan in loo xiray cabsi kasoo wajahday in la gubi doono si lamid ah shirkadihii lagu gubay magaalada Boosaaso.

Wararka waxay sheegayaan in lagu amray inay bixiyaan boqolaal kun oo dollar oo canshuur ah, haddii kale ay mari doonaan waddo lamid ah shirkadaha Almacruuf iyo Fadhi same, kuwaas oo lagu gubay  Boosaaso, kaddib markii qaraxyo lagu weeraray.

Hay’adaha amniga ee maamulka Puntland weli kama hadlin arrintaan, iyagoo horey u sheegay inay qaadayaan tallaabooyin ka dhan ah kooxaha cabsi galinta ku haya ganacsatada magaalada Boosaaso.

Puntland waxay horey u sheegtay in cidda ka dambeysa gubitaanka xarumaha ganacsiga ay yihiin kooxaha argigixiso ah oo ku dhuumaalaysanaya buuraha. Wuxuuna maamulku uga digay ganacstada Boosaaso inay awaamiirtooda ku shaqeeyaan.

Ma jirto cid  illaa iyo haatan gacanta lagusoo dhigay oo loo haysto gubidda xarumihii hore.

Like it? Share it!

Leave A Response