Ciidamadda Itoobiya oo dib ula wareegay 6 magaalo oo horey ay u haysteen Jabhadda Fano

by admin | Thursday, Aug 10, 2023 | 182 views

Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya gaar ahaan gobolka Axmaarada ayaa sheegaya in Ciidamada dowladdu ay dib u qabsadeen magaalooyin dhowr ah oo markii hore ku jiray gacanta Jabhadda FANO ee dagaalka kula jirta Ciidamada Millitariga Itoobiya.

Magaalooyinka kala ah Bahirdar, Gonder, Lalilabala,Dabremarqos, Dabrebirhan iyo Shawarobit ayaa lasoo sheegayaa in dib looga qabsaday Jabhadda FANO, dowladdu waxay sheegtay in magaalooyinkaas kooxdii ku sugnayd ee Fano gacanta la mariyay, sida ay tabisay BBC da qaybteeda Afka Axmaariga ku hadasha oo soo xiganaysa Guddoomiyaha Taliska Guud ee Xaaladda degdegga ah.

Dowladdu waxa kale oo ay sheegtay in magaalooyinkan laga qabsaday kooxda FANO laga qaadayo xaaladdii degdegga ahayd ee horey dowladdu ugu soo rogtay, iyadoo sidoo kale ay dib magaalooyinka uga billaabmi doonaan dhaqdhaqaaqyadii caadiga ahaa laga billaabo maanta oo Khamiis ah.

Ma jirto wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Jabhadda Fano oo ku aadan magaalooyinkan dib loogala wareegay ee ka baxay gacantooda.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa gobolka Axmaarada ka dhacay dagaallo aad u waawayn oo u dhaxeeyay Jabhadda FANO ee Axmaarada iyo Ciidamada Millitariga Itoobiya, kuwaas oo ay ku dhinteen dad aad u badan oo Shacab ah kuwa kalena ay ku dhaawacmeen, sida laga soo xiganayo dadka degaankaas iyo dhakhaatiirta ku sugan Isbitaallada waawayn ee magaalooyinka Bahirdar iyo Gonder.

Howlgalladan ay dowladdu ku qaaday Jabhadda FANO, ee ay magaalooyin dhawr ah dib ugu soo celisay gacanta dowladda ayaa waxay dowladdu ku sheegtay inay tani tahay wajigii koowaad ee dagaalka, waxaana la filayaa in dagaalkani uu waji kale yeelanayo maadaama wali colaaddu ka jirto gobolka Axmaarada, walina aan si buuxda loosoo afjarin dagaalka u dhaxeeya dowladda iyo FANO.

Like it? Share it!

Leave A Response