Ciidamo horleh oo la dhigay Koontoroolada laga galo Madaxtooyada

by admin | Wednesday, Mar 31, 2021 | 282 views

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa saaka lagu arkayaa wadooyinka gala Madaxtooyada Soomaaliya, xilli la filayo in uu Maanta qabsoomo kulanka Golaha Shacabka.

Ciidamada oo wata hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa la dhigay wadada ka timaada dabka ee gasha Madaxtooyada, wadada Isgoyska Ceelgaabta iyo tan ku xigta ee hormarta Bacadlaha Xamarweyne.

Ciidamada ayaa waxaa ay baaritaano kala duwan ku sameeynayaan Gaadiidka noocyadiisa kala duwan, iyaga qaarkood u diidaya inay u gudbaan dhinaca Madaxtooyada.

Ciidamada horleh ee la dhigay Wadooyinka gala Madaxtooyada ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Maanta uu jiro kulan walaac xoogan laga muujinayo ee Golaha Shacabka, kaas oo laga mamnuucay inay ka qeyb galaan 15 kamid ah Xildhibaannada mucaaradka.

Dhinaca kale waxaa xiran oo loo diidayaa inay Gaadiidka maraan laga soo bilaabo Buundada koowaad ee degmada Xamar Jajab ilaa degmada Xamarweyne, waxaana la arkayaa dadweynaha oo lugeynaya.

Like it? Share it!

Leave A Response