Kenya oo ka digtay weeraro Al-Shabaab ka geystaan Gudaha dalkaas

by admin | Wednesday, Mar 31, 2021 | 283 views

Warbaahinta Qaranka Kenya ayaa baahisay in laamaha Amniga dalkaas ay ka dalbadeen Shacabka inay u soo gudbiyaan macluumaad ka dhan ah anin lagu magacaabo Rashid Mwalimu kaas oo ay si weyn u doonayaan ciidamada la dagaalanka waxa loogu yeero argagixsada.

Laamaha Amniga Kenya ayaa Ninkaasi waxaa ay ku sheegeen in uu yahay duuliye diyaaradeed oo ka tirsan Al-Shabaab, isla markaana uu qorsheynaya weeraro ka dhaca dalka Kenya.

Waxaa sidoo kale ay sheegeen laamaha amaanka Kenya in Rashid Mwalimu uu khibradiisa duuliyenimo uu u adeegsan karo inuu weerarro dhanka duulimaadyada ah ka geysto Gudaha Kenya, sidoo kalena tababar heer sare ah ku soo qaatay Akadeemiga All-Aisa ee wadanka Filibiin.

Meelo kamid ah dalka Kenya ayaa waxaa horay weeraro qorsheysan uga geystay Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab, waxaana Kenya ay sheegtay inay ka feejigan tahay weerarada Ururka Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response