Ciidamo la kala dhex-dhigay maleeshiyaad dagaalamay

by admin | Sunday, Jun 6, 2021 | 389 views

Ciidamada Amaanka Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Galmudug ayaa ku guuleystay inay kala dhex-galaan laba maleeshiyo beeleed oo saacadihii la soo dhaafay ku dagaalamay duleedka degaanka Baxdo Gaabo ee Gobolka Galgaduud.

Ciidamada oo ay wehlinayeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug iyo Saraakiil Ciidan oo uu kamid yahay Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka mudug Qaasim Shirddon Cali ayaa kala qaaday labada maleeshiyo Beeleed ee dagaalamay.

Ciidamada qeybta 21aad ee xoogga dalka ayaa la wareegay amniga Goobaha lagu dagaalamay oo ay ku yaalaan Baraago la qoday,waxaana Aaga lagu dagaalamay ka dhacay kulan la doonayo in xal looga gaarao Colaada.

Like it? Share it!

Leave A Response