Duqeyn lagu dilay 17 Ruux oo Shacab ah

by admin | Sunday, Jun 6, 2021 | 278 views

Gantaal Balaastik ah oo ay Kooxda Xuutiyiinta ku duqeeyeeb magaallo ay haystaan Ciiddanka Dowladda Yeman ayaa waxa ku dhintay ugu yaraan 17 qof oo ay gabar 5 sano jir ah ka mid ahayd.

Duqeyntaasi waxay Xuutiyiinta la beegsadeen Kaalin Shidaal oo ku yaalla Xaafadda Rawda ee bartamaha magaalladda Mari bee W/bari ee dalkaasi.

Wasiirka Waraafinta Dowladda Yemen, Mucamar Al-Eryaai ayaa sheegay in Duqeyntaasi lag dilay ugu yaraan 17-qof oo rayid ah, laguna dhaawacay ugu yaraan 5 kale.

Waxa uu ugu baaqay QM iyo Dowladda Maraykanak inay cambaareeyaan Weerarkaasi oo uu ku sifeeyey Dembiyo Dagaal.

Wakaalladda Wararka Yemen ee SABA waxay soo werisay inay Maleeshiyada Xuutiyiinta ay duqeyn kale u geysteen 2 Gaadiidka Gurmadka ee Ambalaasta oo qaadi lahaa dadkii ku dhaawacmay duqeyntii hore,.

3 qof ayaana ku geeriyootay duqeynta lala beegsaday Ambalaasta.

Kooxda Xuutiyiinta oo ay Dowladda Iran taageerto weli kama aysan hadlin Duqeymaha ay ka geysteen magaalladda Ma’rib ee ay dadka rayidka ku geeriyoodeen.

Like it? Share it!

Leave A Response