Ciidamo la kala dhex-dhigay maleeshiyaadkii ku dagaalamay Shabeellaha Dhexe

by admin | Wednesday, Nov 30, 2022 | 335 views

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Maanta Ciidano xoogan oo ka socda kuwa sida gaarka ah u tababaran ee kumaandooska Gorgor waxaa ay geysay degaannadii labada maleeshiyo Beeleed ay ku dagaalameen ee hoostaga degmada Cadalle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan degaanka Cadow-uul ee Gobolkaas.

Ciidamadaan oo ay hoggaaminayaan Taliyaha Ciidamada Booliska Hir-Shabeelle iyo Imaamka Mudolood ayaa halkaasi ka bilaabaya xaqiijinta amniga degaannadii lagu dagaalamay iyo inay ka hortagaan dadka isbaarooyinka dhigta degaannada Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Markii Maanta Ciidamada la geeyay degaannadii lagu dagaalamay ee hoostaga degmada Cadalle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa dib loo howlgeliyay baraagadihii Biyaha oo maalmahaan xirnaa, kuwaas oo qaarkood uu dagaalka ka billaawday, waxaana si caadi ah u cabayay Xoolaha qoysaska Beelihii dagaalamay.

Taliyaha Ciidamada Booliska Hir-Shabeelle Korneyl Xasan Dhicisoow ayaa sheegay in Ciidamada gorgor ee la geeyay degaannadii lagu dagaalamay looga baahan yahay inay gutaan waajibaadkooda amni,isla markaana ay si wanaasan ula Shaqeeyaan dadka degaanka.

Imaamka Beesha Mudlood Imaam Daahir ayaa dankiisa sheegay in xilligaan laga gudbay waqtigii Colaadaha loona baahan yahay sidii loo xoojin lahaa Nabadda, isaga oo u mahad celiyay Madaxweynaha Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud & Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo qeyb weyn ka qaatay xal ka gaarista colaad beeleedyada.

Like it? Share it!

Leave A Response