Howlgallo dad farabadan lagu qabqabtay oo laga sameeyay Muqdisho

by admin | Tuesday, Nov 29, 2022 | 244 views

Xilli dhowrkii Maalmood ee lasoo dhaafay xaaladda amni ee Magalada Muqdisho siweyn looga deyrinayay ayaa Ciidanka Booliiska ee dowladda Fadaraalka Soomaaliya waxa xalay howlgallo amniga lagu xaqiijinayay kasameeyeen qaar kamida xaafada degmada xamar jajab ee gobolkan banaadir .

Howlgalka ayaa waxaa sameeyay ciidanka booliiska ee qeybta Waliyoow-Cadde oo garab ka helayay maamulka degmada Xamar Jajab, waxaana ay ka sameeyeen qeybaha kala duwan ee degmada.

howlgalka ayaa lagu baacsanayay kooxa isticmaala maandooriyaha kuwa iibiya iyo dadka amni darrada kawada gudaha Muqdisho, iyada oo Ciidanka Booliiska ay intii kuguda jireen howlgalka kusoo qabteen dad badan balse kadib baaritaano ay kusameeyeen ay siidaayeen .

Taliyaha ciidanka Booliiska qeybta Waliyow-Cadde Isaaq Maxamed Ciise iyo Sheekh Nuur oo ah taliyaha booliiska degmada Xamar jajab ayaa dadkii howlgalka lagu soo qabtay kula dar daarmay in ay sugida Amniga kala shaqeeyaan ciidanka Booliiska

Guddoomiyaha degmada Xamar jajab Ismaaciil Maxamed Xuseen ayaa sheegay in ay xooga saarayaan kashaqeynta amniga iyo nadaafada degmada waxana uu bulshada ugu baaqay in ay lashaqeeyaan maamulka sidoo kale ciddii waddooyinka degmada qashin soo dhigta ay lamid tahay kuwa amni darada sameeya.

Like it? Share it!

Leave A Response