Ciidan gurmad ah oo maanta gaaray BURUJEED iyo wararkii ugu dambeeyay{AKHRISO}

by admin | Monday, Oct 16, 2023 | 101 views

Ciidamo ka tirsan dowladda fedaraalka Soomaaliya oo aad u tira badan, islamarkaana wata gaadiidka dagaalka ayaa maanta gaaray deegaanka Barujeed ee gobolka Galgaduud oo Shalay uu ka dhacay dagaal culus.

Ujeedka ciidamadaan ayaa ah iney xoojiyaan ciidamo ku sugnaa deegaankaas oo shalay kooxda Al-shabaab dagaal culus kula galay gudaha deegaanka Barujeed oo ah deegaan u dhaxeeya degmooyinka Ceelbuur iyo Guriceel.

Ciidamadan ayaa kasoo ambabaxay furimaha hore ee magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug, kuwaas oo durba deegaanka Barujeed iyo nawaaxigiisa ka bilaabay howlgalo ay ku xaqiijinayaan amaanka deegaankaas.

Qaar ka mid ah saraakiisha hoggaamineysa ciidamadan oo warbaahinta gudaha u waramay waxay sheegeen in maalmaha soo socda ay qorsheysanayaan iney la wareegaan deegaanada dhaca bariga Galgaduud oo ay ugu horeeyaan magaalooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri.

Deegaanka Barujeed ayaa ah deegaan muhiim ah oo istaraatiiji u ah isku xirka gobolada kala ah Galgaduud, Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Gobolada Galgaduud iyo Mudug ee maamulka Galmudug waxaa bilahii lasoo dhaafay ka socday dagaalo culus oo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ee ku sugan deegaanadaas, iyadoo ay xusid mudan tahay in Shabaab laga saaray inta badan deegaanadii ay kaga sugnayeen Mudug iyo Galgaduud ee maamulka Galmudug.

Like it? Share it!

Leave A Response