Ciidanka DFS oo hawgallo qorsheesan ka sameeyey deegano ka tirsan gobolka Bokool

by admin | Monday, Oct 16, 2023 | 106 views

ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Ururka 260aad, Guutada 9aad, Qeybta 60aad ayaa howlgallo Qorshaysan oo ka dhan ah Al-Shabaab, waxa ay ka fuliyeen ka fuliyey deegaano hoos yimaada degmada Waajid ee gobolka Bokool.

Howlgalkaan oo socday muddo ayaa waxaa laga fuliyey tuulooyin u dhexeeya degmooyinka Rab-dhuure, Luuq Ganaane, degaanka Yurkud, kuwaas oo dagaanada ku sugnaa.

Howlgalka waxaa hoggaaminayey Taliyaha Ururka 260aad Dhamme Onkod Macalin Aadan oo sheegay in howlgalka ay deegaanadaas uga sifeeyeen Al-Shabaab, sida lagu yiri qoraal goordhaweed uu faafiyey warbaahinta ku hadasha afka dowladda.

Guud ahaan gobollada dalka waxaa ka socda dagaal ka dhan ah Al-Shaaab, kaas uu ku baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyada oo cidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay ku guuleysteen qabashada deegaano horleh oo ku dhawaad 10 sano ka maqnaa gacanta dowladda.

Like it? Share it!

Leave A Response