Xildhibaan Maxamed Abiib oo soo dhaweeyay in Itoobiya ay maalgashato dekeda Saylac

by admin | Monday, Oct 16, 2023 | 130 views

Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa soo dhaweyay in Itoobiya ay maalgashato dekeda Saylac ee Somaliland.

Xildhibaanka oo ay warbaahintu su’aalo waydiisay ayaa sheegay in Itoobiya ay sifo sharci ah maalgashi ku rabto isla markaana loo baahanyahay in heshiis lala galo.

“Waxan aaminsanahay in ay sifo sharci ah ku doonayaan, meeshan aynu ku noolnahay waad ogtihiin dhibaatada duruufta dadkeena haysata, dekeda Berbera maahee 20 dekedood oo kale in la sameeyaana dadka reer Somaliland ayay dan u tahay” ayuu yidhi Abiib

Waxa uu sheegay in Imaaraatkuba ay maalgashadeen Dekeda Berbera, isla markaana ayna Somaliland ka qaadanayn, sidaa si lamid ah Itoobiyana ay maalgashan karto Dekeda Saylac iyada oo aan sifo sharci ah usoo maraysa.

Sida uu Raysal Wasaaraha Itoobiya sheegay cidi deked siisa ay maalgashadaan, waxay u ogolyihiin in ay 20-30% dhaqaalaha Shirkada Diyaaradaha Itoobiya ama biyo xidheenka Abay ay siin doonaan sannadkasta, taasi ayuuna xildhibaanku ku tilmaamay fursad fiican.

Dekeda Saylac ayaa ku jirtay dekedo uu dhawaan soo hadalqaaday Abiye, isaga oo sheegay in Itoobiya anay xoog wax ku doonayn lakiin sifo sharci ah ay damaceeda u marayso.

Abiye ayaa hore u sheegay in xoog iyo xeeladba ay isticmaali doonaan, si ay deked u helaan taasi oo uu kala kulmay dhaleecayn badan, sidookale, lama hubo awooda maalgashi ee Itoobiya, iyo in ay kasoo bixi karto heshiisyo dhaqaale oo waawayn.

Like it? Share it!

Leave A Response