Ciidanka DANAB & Nabadsugidda Jubbaland oo howlgallo ka dhan ah ‘AS’ kawada Jubada Hoose

by admin | Sunday, Mar 17, 2024 | 30 views

Ciidamada kumaandooska ee gaarka u tababaran DANAB oo kaashanaya Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Jubbaland iyo kuwa Nabadsugidda ayaa Gobolka Jubada Hoose ka sameeyay howlgallo ka dhan ah ‘AS’.

Saraakiil katirsan Ciidamadaan iskaashanaya ayaa sheegay in ujeedka howlgalkooda uu ahaa in ay kahortagaan weerarrada ‘AS’ ay ku beegsanayso saldhigyada ciidankaan ay ku leeyihiin Gobolka Jubada Hoose oo dhowaan ay kala wareegeen ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS.

Ciidamada ayaa howlgalka xooggiisa kawada deegaanno hoostaga Janaay Cabdalle iyo tuulooyinka ka baxsan Magaalada Kismaayo Xarunta Kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland waxaana ay kusoo qab-qabteen Dad ay ku tuhmayaan in ay katirsan yihiin ‘AS’.

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, ku xigeenkiisa iyo saraakiisha Ciidamada ammaanka ayaa dhowaan kormeer ku sameeyay deegaannada howlgalladu ka socdaan.

Like it? Share it!

Leave A Response