Iskuullada & Dukaamada Belgorod oo loo xiray duqeymo Ukraine ay ka fulisay Magaaladaas

by admin | Sunday, Mar 17, 2024 | 56 views

Magaalada Belgorod ee Dalka Ruushka waxaa la xiray Goobaha Waxbarashada iyo Dukaamada wax laga iibsado kaddib markii duqaymo cirka ah ay ku beegsadeen Ukraine sida ay sheegeen saraakiil katirsan Xukuumadda Moscow.

Duqaymahaan ayaa sababay cabsi wayn oo soo wajahday Dadka halkaas ku sugan waxaana ugu dambayn ka dhashay cabsidaas keentay in albaabada la isugu dhufto Iskuullada & Dukaamada dadka ay wax ka iibsadaan.

Guddoomiyaha Belgarod Vyacheslav Gladkov ayaa sheegay in labo qof lagu dilay duqayntaas iyada oo weli ay socoto doorashada Dalkaas ee billaabatay Jimcihii sida qorshaha uu yahayna soo xirmaysa Axadda maanta ah.

Gladkov ayaa dhinaca kale sheegay in hannaanka Difaaca Ruushka uu soo riday siddeed kamid ah gantaallo laga soo tuuray dhinaca Dalka Ukraine taasi oo muujinaysa sida ay uga feejigan yihiin kahortagga halis weliba oo dhinacaas ka imaan karta.

Ruushka ayaa sheegay in uu qaadayo tallaabooyin uu uga aargudanayo dhinaca Ukraine waxaana loo badinayaa in ciidamada cirka Dalkaas ay duqaymo culus ku harqin-doonaan dhinaca iyo magaalooyinka u dhow ee lagu tuhmayo in gantaallada laga soo tuuray.

Like it? Share it!

Leave A Response