Ciidanka Danab oo Al-Shabaab kala wareegay degmada Xagar oo ku dhow Bu’aale {sawiro}

by admin | Sunday, Jul 9, 2023 | 180 views

Kumaandoska xoogga dalka ee Danab iyo daraawiishta Jubbaland ayaa howlgal qorsheysan Magaalada Xagar ee gobolka Jubbada Hoose oo ay gacanta ku hayeen xoogaga Al-shabaab.

Taliyaha Ciidanka Daraawiishta ee degmada Afmadow Mahad Islaam oo ka mid ah saraakiisha hogaamineysay howlgalka ayaa xaqiijyey iney la wareegeen degmada Xagar

Degmada Xagar ayaa qiyaas 80 KM ah u jirta caasimadda dowlad goboleedka Jubbaland ee Bu’aale halkaasoo ay muddo dheer gacanta ku hayaan Al-shabaab.

Ciidamada oo ka soo ruuqaansaday degmada Afmadow ayaa waxaa la sheegay iney waddooyinka ka saareen miinooyin la aasay.

Maxaabiis 6 ah oo laga qabtay Al-shabaab iyo gaari Caasi ah ayaa la geeyay degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose.

Ciidamada ayaa howlgal dhowr jaho ah ka wada dhul ballaaran oo gobolka Jubbada hoose ka tirsan.

Saacado ka hor Hawlgal qorsheysan oo ay Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ka fuliyeen deegaanka Welmarow oo 40KM u jirta Afmadow ayaa qasaare xoog leh loogu geystay Maleeshiyada Al-Shabaab sida ay sheegtay warbaahinta DF.

Sida ay sheegtay warbaahinta DF waxaa halkaasi looga dilay Al-shabaab ku dhowaad 40 dagaalyahan, iyadoo looga furtay hub fara badan.

Like it? Share it!

Leave A Response