Dhageyso:-7 qof oo ay ku jiraan carruur oo ku dhintay qarax miino ka dhacay degaanka Jicibow

by admin | Monday, Jul 10, 2023 | 207 views

 

7 qof oo rayid ah oo ay ku jiraan carruur ayaa ku dhintay qarax miino oo ka dhacay deegaanka Jicibow oo qiyaastii 25km dhanka waqooyi kaga beegan degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan.

 

Qaraxaan oo dhacay shalay gelinkii dambe, ayaa Saraakiisha deegaanka waxay sheegeen in dadka dhintay oo lix rag ah iyo qof dumar ah ay ka soo jeedaan laba qoys oo beeraley ah.

Waqtiga uu qaraxu dhacayay, dadkaan ayaa dib ugu soo laabtay guryahoodii ka dib muddo dheer oo ay ka shaqaynayeen beerahooda.

Maalin ka hor ayay aheyd markii ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay kula dagaalameen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab deegaan ku dhow Beero-Yabaal.

Degaanka Jicibow oo uu qaraxu ka dhacay ayaa kamid ah degaanadii laga xoreeyay  Alshabab, waxaana halkaas ka howlgala ciidamada Dowladda iyo kuwa dib u xoraynta Hiiraan.

Horey , 22 carruur ah ayaa ugu geeriyooday qarax miino oo ka dhacay degaan Alshabaab ay maamulaan oo hoos yimaada degmada Jannaale ee Shabeellada hoose.

Gudoomiaya cusub ee gobolka hiiraan ayaa ka hadlay sida ay  wax u dhaceen.

Hoos ka dhageyso:

Like it? Share it!

Leave A Response