Ciidamada dowladda Fedaraalka oo 10 sano kadib Al-shabaab kala wareegay deegaanka Xagar

by admin | Monday, Jul 10, 2023 | 119 views

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland ayaa kooxda Al-shabaab kala wareegay gacan ku heynta deegaanka Xagar oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Deegaanka Xagar oo ay la wareegeen ciidamada is garabsanaya ayaa qiyaas ahaan degmada Bu’aale oo ah Caasimadda rasmiga ee maamulka Jubbalad u jirta ilaa 80 KM, halkaas oo ah taliska ugu weyn Al-shabaab ee Soomaaliya.

Ciidamada gacanta ku dhigay deegaanka Xagar ayaa ka dhaqaaqay degmada Afmadoow ee gobolka Jubbada Hoose, kuwaas oo la tilmaamay in miinooyin farabadan ay ka saareen wadada inta ay ku guda jireen howlgalka ay kula wareegeen deegaanka Xagar oo Al-shabaab ay gacanta ku haysan in ka badan 10 sano.

Sarakaal u hadlay ciidamada iskaashanaya ayaa u sheegay warbaahinta qaranka iney gacanta kusoo dhigeen 6 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab iyo gaari Homey ah oo ay wateen xubnaha la qabtay.

Qabashada deegeenkaan ayaa kusoo beegmeysaya, iyadoo saacado ka hor howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo Saaxiibada Caalamiga ah oo ka dhacay nawaaxiga degmada Afmadoow la sheegay in lagu dilay ilaa 50 ka mid ah dagaalamayaasha Al-shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response