Ciidanka dowladda oo fuliyay howlgal ka dhan ah Al-Shabaab

by admin | Friday, Mar 4, 2022 | 365 views

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Ururka 64aad ee guutada 7aad qeybta 60aad ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyey tuulooyinka Warta Madax Maroodi, Jiira Maantay ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Howlgalkaan ayaa Waxaa Hoggaaminayey Abaanduullaha Ururka 64aad ee XDS Maxamuud Saleebaan, waxa uuna sheegay in u jeedka Howlgalka uu ahaa la dagaalanka Al-Shabaab.

Ciidamada howlgalka kujiray ayaa baaritaano ku sameeynayay Gaadiidka noocyadiisa kala duwan maadaama degaannadaas mararka qaar ay tagaan Xubno katirsan Al-Shabaab.

Abaanduullaha Ururka 64aad ee XDS Maxamuud Saleebaan ayaa sheegay in ay howlgallada sii wadi doonaan ilaa ay ka xaqiijinayaan Amniga degaannada ay howlgalka ka fuliyeen.

Like it? Share it!

Leave A Response