Guddiga qiimeynta xaaladda Magaalada Garbahaareey oo Maanta la kulmaya Axmed Madoobe

by admin | Thursday, Mar 3, 2022 | 406 views

Waxaa Maanta oo Khamiis ah lagu wadaa in Xarunta Madaxtooyada Jubbaland ee Magaalada Kismaayo kulan ku yeeshaan Madaxweynaha Maamulka Jubbaland axmed Maxamed Islaam & Xubnaha Guddiga uu Ra’iisul Wasaare Rooble u xilsaaray qiimeynta xaaladda Magaalada Garbahaareey.

Shan kamid ah Xubnaha Guddiga oo uu horkacayo Guddoomiyahooda Cumar Maxamed Cabdulle dhagey ayaa shalay gaaray magaalada Kismaayo, halka laba Xubnood oo ka harsan ay Maanta tagayaan si ay ula shiraan Madaxweynaha Jubbaland.

Guddiga qiimeynta xaaladda Magaalada Garbahaareey Cumar Maxamed Cabdulle dhagey ayaa sheegay in Madaxweynaha Jubbaland ka dhageysan doonaan Warbixintiisa iyo taladiisa ku aadan sida ay doorasho uga dhici karto degmada Garbahaareey ee Xarunta gobolka Gedo.

Sidoo kale wuxuu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Xubnaha Guddiga ay intaasi kadib tegi doonaan degmada garbahaareey si ay u qiimeeyaan xaaladda Amni, sida degmada ugu diyaarsan tahay qabashada doorashada, Agabka loo baahan yahay iyo wadatashi ay la yeelanayaan bulshada magaalada si ay aragtiyadooda u weeydiiyaan.

Maamulka jubbaland iyo Villa Soomaaliya ayaa isku haya 16 kursi ee taalla Magaalada Garbahaareey ee Gobolka Gedo maadaama mid kasta uu doonayo in uu isaga maamulo si uu u soo saarto qofkii uu rabo.

Like it? Share it!

Leave A Response