Soomaaliya oo taageertay qaraar ka dhan ah Ruushka

by admin | Thursday, Mar 3, 2022 | 433 views

Cod-bixinta ayaa waxaa ay dhacday xilli uu kulan khaas ah yeeshay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Wadamada kale ee qaraarkaasi taageeray waxa aka mid ah Mareykanka, waddamada Midowga Yurub iyo kuwo kale oo ka tirsan qaaradda Asia.

Qaraarka waxaa ka soo horjeestay shan waddan oo kala ah Ruushka, Eritrea, Syria, Waqooyiga Kuuriya iyo Belarus.

Sidoo kale waxaa ka aamusaya 35 waddan.

Qaraarka ayaa ku baaqaya in dowladda Ruushku ay joojiso gulufka milatari ee dalka Ukraine ay ka waddo, islamarkaana ay ciidamadeeda kala baxdo dalkaasi, sida ay tebisay wakaaladda wararka eee Associated Press.

Dowladda Ruushka ayaa Jimcihii codka qayyaxan ee veto saartay qaraar kan la mid ah oo la horkeenay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Like it? Share it!

Leave A Response